Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashooyinka dadban oo beeniyey Warqad horay uga soo baxday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga dooorashooyinka dadban ayaa beeniyey warqad lagu sheegay inuu guddigu ku hakiyey mid kamid ah kuraasta deegaan doorashoodu ay tahay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana ay sheegeen in laga been abuuray sixiixa guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban, kaas oo sixiixiisa lagu arkayey warqada la faafiyey.

Qoraal hore ee kasoo baxay Guddiga doorashooyinka dadban , ayaa waxaa ku sixiixna Guddoomiye Muuse Geelle Yuusuf, waxaa lagu sheegay in Guddiga ay soo gaareen cabashooyin ka yimid Odayaasha iyo Nabaddoonada leh kursiga tirsigiisu yahay HOP086 oo uu hadda u sharaxan yahay  lataliyahay amniga madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Fahad Yaasiin.

Kursiga ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey Faarax Sheekh Cabduqaadir, waxaana warqadaan ay ku soo aadaysa iyadoo guddiga horay u soo saaray warqad lagu joojiyey kursiga, waxaana warqadda danbe lagu cadeeyey in aysan jirin wax cabasho ah oo soo gaaray  guddiga doorashooyinka dadban  iyo midka dowlad goboleedyada sida lagu xusay warqadda.

Sidoo kale warqad Xalay kasoo baxday guddiga doorashada Hirshabelle ayaa lagu sheegay  in warqadda kasoo baxday guddiga heer federal ay tahay mid been abuur ah, islamarkaana aysan jirin cabasho kasoo gaartay kursiga HOP#086.

  Halkaan ka akhriso Warqada dambe iyo middii hore

274112165_253344313642924_57707263222686

 

273925851_4803018693086957_6768303386361

 

The post Guddiga doorashooyinka dadban oo beeniyey Warqad horay uga soo baxday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this