Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Doorashada Heer Federal oo hakiyey doorashada kursiga loo xiray Fahad Yaasiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ku dhowaaqay in la hakiyey qabashada doorashada kursiga HOP#86, oo lagu waday in maalinta Axadd ay ka dhacdo magaalada Beledweyne.

Kursigan ayaa ah kan ugu hadal haynta iyo saameynta badan sanadkan, sababtoo ah waxaa u sharaxan islamarkaana loo xiray taliyihii hore ee NISA iyo la-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo ah ninka ugu awoodda badan siyaasadda Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu yiri “Kadib markii Guddiga Hiirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) ay soo gaareen cabashooyin ka yimid nabadoonnada iyo oday dhaqameedyada jufada iska Ieh kursiga sumaddiisu tahay HOP#086. Waxaa lagu wargalinayaa Labada Guddi ee warqaddani ku socoto inay hakiyaan qabashada Kursiga kor ku xusan inta laga xalinayo cabashada laga soo gudbiyay.”

Go’aanka Guddiga ayaa imanaya ayada oo lagu waday in Fahad Yaasiin uu maanta oo Jimce ah u safro magaalada Beledweyne, si uu isugu diyaariyo doorashada kursigan.

Kursigan ayaa waxaa hadda ku fadhiya xildhibaan Faarax Cabdulqaadir oo sida Fahad oo kale saameyn xooggan ku lahaa dowladdii Xasan Sheekh, islamarkaana hadda arrimo caafimaad dalka uga maqan.

Caasimada Online ayaa dhowr maalmood kahor shaacisay xog gaar ah oo ku saabsan in ra’iisul wasaare Rooble uu waday qorshe uu ku hakinayo doorashada kursigan, xilli ay xiisad kala dhaxeyso Fahad oo uu hadda kahor ka qaaday xilkii taliyaha NISA. Halka ka aqri xogtaas. 

Ma cadda tallaabada ay qaadi doonaan Fahad iyo maamulka HirShabelle oo ay ka go’an tahay in Fahad sanadkan xildhibana laga dhigo, islamarkaana uu si fudud kusoo qaato kursigan.

Guddiga Doorashada HirShabeelle ayaa shalay shaaciyey odayaasha soo xulaya eregada doornaeysa saddex kursi oo uu ku jiro midka uu doonayo inuu soo qaato agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Kuraasta la shaaciyay Guddiyada soo xulaya ergada oo degaan doorashadoodu ay tahay magaalada Baladwayne ayaa kal ah: HOP#015, HOP#086, HOP#274.

Odayga ugu sareeya ee kursiga HOP#086 ayaa waxaa hore uga digay inuu xareysay Fahad Yaasiin odayaasha Beesha reer Aw-xasan, waxayna qoraal ay soo saareen ku eedeeyeen inuusan ahayn nabaddoon.

Sidoo kale, Muuqaal sawir ah kii ugu horeeyay oo laga qaaday Fahad Yaasiin ayuu shalay baahiyey sawir-qaadaha Farmaajo, waxaana sawirkaasi uu nooqnayaa shan sano kadib inuu ogolaaday sawir in laga qaado, isagoo hadda doonaya kursi xildhibaan.

Hoos ka aqriso warqadda guddiga 

273925851_4803018693086957_6768303386361

The post Guddiga Doorashada Heer Federal oo hakiyey doorashada kursiga loo xiray Fahad Yaasiin appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this