Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Daarnaa Kulan Dhex-maray Siyaasi Maxamuud Xaashi Iyo Xildhibaan Faratoon??

Recommended Posts

Deeq A.   

Dareen Noocee ah ayaa Ku Lamaan in Maxamuud Xaashi Caweyskii Kulan Raaligalin ah ugu Taggey Xildhibaan Faratoon Gurigiisa?

Sida ay Xaqiijinayaan, Warar Ka agdhaw Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa Sheegaya in uu Caweyskii xalay ugu taggey Gurigiisa Caasimada Hargeysa Xidhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (faratoon), oo ay Saaxiibo si aad ah isugu dhaw ahaayeen Xiligii ay kawada tirsanaayeen Golihii Wasiirada Xukuuumadii Madaxweyne Axmed Maxamuud (Siilaanyo), Waxaanu Kulankoodu Kusoo beegmay Kadib Markii ay Jilbaha is dhigeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo ay Ka Wada hadleen Arimo badan.

Kulanka Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Faratoon inkastoo aannu jirin War Rasmi ah oo Kasoo baxey, dhinacooda haseyeeshee, Sida ay sheegeen, ilo ku dhadhawi Waxa uu ujeedada  Kulankoodu, daarnaa in Maxamuud Xaashi, Xildhibaanka ka raaligalinayey, Doorkii uu kulahaa Loolankii Shirgudoonka Golaha Wakiillada, oo uu ka hiiliyey isagoo, u cuskaday in uu Faratoon ka hiiliyo Dagaalkii uu Xiligaa kula jirey Xukuumada iyo Xisbigiisa KULMIYE.

Sidoo kale waxa jira warar sheegaya in madaxweyne Muuse Biixi uu ku khasbay siyaasi Maxamuud Xaashi in uu soo raali-geliyo xildhibaan Faratoon si wada-hadalladoodu u sii socdaan.

Sikasta, oo ay tahey Kulankan ayaa ahaa mid la filayey, inn ay isugu yimaadaan Maxamyyd Xaashi iyo Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir(faratoon), maadaama aanney jirin Xurguf iyagga u dhaxaysay, laakiin duruuf Siyaasaded Sabab u aheyd, in ku kala baydhaan Xiisadii loolanka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this