Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyay shirkad mideyn doonta shirkadaha korontada

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1645110337590.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta shir-guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland, oo todobaadkan looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga, kordhinta mushaharaadka shaqaalaha, ansixinta dhismaha shirkada korontada Puntland (PEPCO) iyo ansixinta magac bedelka Wasaaradda Waraafinta.

Golaha ayaa ansixiyey dhismaha shirkada korontada Puntland (PEPCO) oo ay ku mideysnaan doonaan dhammaan shirkadaha korantada ee ka jira Puntland, waxaana Golaha u soo gudbisay Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo ka duuleysa Xeerkii Madaxweynuhu shirkaddan ku dhisay 18-kii Bishii April 2020.

Sidoo kale wuxuu Goluhu ansixiyey magaca cusub ee Wasaaradda Isgaarsiinta, Tiknoolajiyadda, Warfaafinta, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka.

Ugu danbeyn Madaxweyne Deni ayaa boggaadiyay in lagu guuleystay oo ay si wanaagsan u dhaqan gashay mushahaar kordhinta loo sameeyay shaqaalaha Pumtland.

PUNTLAND POST

The post Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyay shirkad mideyn doonta shirkadaha korontada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this