Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaaku Soo Baxay Kuraasta Maanta Lagu Doortay Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamul goboleedka Galmudug Soomaaliya ayaa waxaa  maanta lagu doortay 3  kursi,  kuwaas oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ee Soomaaliya.

1: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#147 ayaa waxaa kusoo baxay  xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, kaas oo 101 oo gacataag ah ku guuleystay, kadib markii tartanka kursiga ay ka tanaasushay musharrax  Shamso Cabdullaahi Maxamed.

273848253_330304129026123_8954677702371097463_n.jpg?stp=dst-jpg_p180x540&_nc_cat=111&ccb=1-5&_nc_sid=8bfeb9&_nc_ohc=CASky4Hp8k4AX-kSS9V&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=00_AT8ABIIkXJoDmh2CearRC9jRC85DyMy6E5XOS_sQo-4oTQ&oe=62135564

2: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#055 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Maxamed Xuseen Abuukar (Gaaraxo) kaas  oo 100 oo gacan taag ah ku guuleystay, kadib markii tartanka uu ka tanaasulay kursiga Maxamed Saciid Cabdullaahi.

273773206_330331112356758_5676944238041799780_n.jpg?_nc_cat=105&ccb=1-5&_nc_sid=8bfeb9&_nc_ohc=ZWSqm4Lm_-IAX8mLSQ5&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=00_AT-ZnaORXLnZMrP7LpuhCFXM3YMVJgbdj4k8UNCZw5nkJA&oe=6213BD70

3: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#035 ayaa waxaa kusoo baxay musharrax xildhibaan Cumar Cali Cabdi, kaas oo 97 cod  oo gacantaag ah ku guulaystay, kadib markii uu ka tanaasulay kursiga Cabdullaahi Axmed Cabdi, waxaa ka aamusay 2 qof.

FLyPafVXwAM2jP7.jpg

Kuraasta maanta lagu doortay magaalada Dhuusamareeb  ee caasimadda mamulka Galmudug  Soomaaliya  ayaa waxaa ay kamid noqonayaan xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlaamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka  Soomaaliya.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this