Sign in to follow this  
Deeq A.

Yuusuf Garaad oo qoraal cajiib ah kasoo saaray doorashooyinka ka socda dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Garaad Cumar oo ah Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa soo saaray qoraal cajiib ah oo uu kaga hadlay doorashada baaralmaanka iyo mida madaxweynaha ee loo diyaar garoobayo.

Yuusuf Garaad oo tursaale usoo qaatay cabashada ka taagan doorashada kursiga HOP147 ee uu maanta ku soo baxay Mahad Maxamed Salaad iyo guud ahaan tabashada ka taagan doorashada ayaa soo jeediyey in la aqbalo natiijada, lana taageero xubnaha soo baxay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in la aqbalo, sida ay ku socota doorashada, haddii ay noqon laheyd xildhibaanada guuleystay, kuwa harsan iyo xittaa madaxweynaha cusub ee ay dooran doonaan, si looga gudbo xaaladda adag ee lagu jiro.

Farriinta ayuu sidoo kale Yuusuf Garaad Cumar ku sheegay in loo baahan yahay in guud ahaan laga wada-shaqeeyo inuu soo baxo Madaxweyne oggol, kana dhab tahay, in uu horseed u noqdo sidii loogu gudbi lahaa doorasho qof iyo cod ah afar sano gudahood.

Halkan hoose ka aqriso:

Kursiga Baarlamaanka ee tirsigiisu yahay 147 murashixiinta cabashada ka qaba sida iyaga laga yeelay iyo inta saluugsan saamiga jufooyinka uu ka dhexeeyo kursigu, waxaan u soo jeedinayaa in ay aqbalaan natiijada, gacanna siiyaan Xildhibaanka ku soo baxay oo ah Mudane Mahad Maxamed Salaad.

Waxaa kale oo aan soo jeedinayaa in ay sidoo kale u aqbalaan Xildhibaannada lagu dhawaaqay oo dhan iyo kuwa weli dhimman iyo waliba Madaxweynaha ay dooran doonaan Murashax uu noqdaba.

Allah aan ka barinno, aan ka shaqeyno, gacanna aan ka geysanno in la doorto Madaxweyne u diyaar ah in uu u hoggaansanaado, uu dhowro kuna dhaqmo Axdiga iyo shuruucda dalka oo ah heshiisyo ku saleysan diinta Islaamka.

Sidoo kale Madaxweyne uu muraadkiisu yahay in uu Soomaalida u adeego, la tashado, dhaqankeeda la yimaado kana shaqeeyo in ay Shacabku midoobaan, kalsooni siiyaan Dowladdooda, kalana shaqeeyaan in wadajir dalka aan u nabadeyno, horeyna aan u marinno ayadoo lagu dul dhisayo waxa noo qabsoomay ilaa iyo shirkii Carta ee sannadkii 2000.

Madaxweyne suurta gelin kara in aan dhexdeenna nabad ku wada noolaanno, nabadna kula noolaanno dalalka gobolweynaha aan ka tirsan nahay iyo dalalka caalamka oo dhan, welibana aan la yeelanno iskaashi dheelli tiran.

Ugu dambeyn aan ka shaqeyno in uu soo baxo Madaxweyne oggol, kana dhab tahay, in uu horseed ka noqdo in aan u gudubno doorasho qof iyo cod ah afar sano gudahood, taas oo haddii maskax, aqoon iyo daacadnimo lagu qotomiyo soo afjari karta khilaafaadka hadda jira badankood.

Ka quuso in aad ka quusato Soomaaliya.

The post Yuusuf Garaad oo qoraal cajiib ah kasoo saaray doorashooyinka ka socda dalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this