AYOUB Posted March 13, 2004 TIMACADDE Taariikhdii Noloshiisa oo gaaban- Maxamad Yuusuf Ducaale Cabdillahi Suldaan Maxamed, wuxuu ku dhashay Gallooley, 1920Kii. Wuxuu ka dhashay qoys beeraaley ah .Cabdillahii Suldaan dhalinyarnimadiisii wuxu tuman jirey ciyaar soomalida, taasoo u kula baxay « TIMACADDE » Tixdan ayaa gabay Cabdillahi Suldaan ugu horreysay. Waxay ku siman tahay ilaa 1936kii: Foox doon haddaad tahay dukaan furan ma weydeene Maxaa faras magaalaha ku dhigay laga hoyday fiidkii. Muddadii badnayd ee uu gabyi jiray ayuu cudur kago, dhacay dhuunta. Timacadde jirradda ayuu u dhintay 6dii febraayo 1973kii. 7dii bishaas ayaa Gabiley laguu aasay. Timacadde wuxu ka tegay 5 carruur ah . Timacadde gabaygiisa soomaali tilmaan iyo wax sheeg teed walba wuu ugu dhigay. Gabayadiisu wax adag ma ahayn waayo, kuma faanijirin gayaanimo e dadka ayuu midnimo iyo qabyaalad la daggaallan ugu baaqi jiray. Timacade wuxu geeraarkan inagu tusaaleynayaa awooda Eebbe ee aan koobnayn. Geeraarkan waxa inooga muuqaneysa aqoonta qotada dheer ee Timacadde u lahaa diinta. Wuxuu ina tusaaleynayaa jirrabkii iyo dhibaatooyinkii la soo mariyey Nebiyada iyo siduu Eebbe ugu hiilliyey, wuxu yidhi : Ilaahi cirka taagayee Dayaxa iyo cadceeddiyow Xiddigaa ku cigaalayow ! Ilaahi caadil ahaaye Dhulka caynkan u daadshaye Ku culaysiyey buurta e Isagoon cidi joogin Casiiskii Nebi Aadan Ka buuray cammuudda e Cidhifkaa bidixdiisa Intuu caaro ka jeebay Cadkii Xaawa ka yeelayow Ilaahi caadil ahaaye Ciyaarsiiyay buxuurta e Ceejiyee ama siiyayow Ilaahii caadil ahaaye Casiiskii Nebi Luud Kuwii caasi gareeyay Amaba ceebta yiqiinnay Habeen cawda u gooyayow Ilaahii caadil ahaaye Casiiskiisii Suleymaan Dabayshuu carbiyayow ! Ilaahii Nebi Ciise Cilmigiisa ku qaadaye Cashaduu iman doonana Cawar seef ugu dhiibayow Ilaahi caadil ahaaye Casiiskii Ayuub Cudurkii uu ku raajay Marki uu caban waayey Caafimaad ugu doorshay Curuuqddiisii dhammaatiyo Raxmaddii ku dul caastay Cimrigoodi yareeyaye Cusbeysiiyey Jidhkooda E Caruusiinta ka yeelayow .................................................................. Gabay Cabdillahi Suldan 'Timacaddeh' u tiriyey Patrice Lumumba Timacaddeh isago ka qiiraysan kana murugoonaya hadimada gumaysigu Afrika ku hayo iyo dilka badheedhka ah ee halaygii Patrice Lumumba wuxy yidhi: QARAMADAN GADAAL KACAY QARBIGU WAA GEDDIYAAYE GOBANNIMAOA LAMA DOONAYAAN GADASHO MOOYAANE WIILKII GARAAD LAGU TUHMABA WAY KA GURAYAANE GARDARRIYO IS-YEEL YEEL HORAA GANDHI LOO DILAYE KAMAALU-DIN QAAR BAA U GABBADAY QAATAY GINIYAADE XARBIGII GUNTADAY BAY QUNBULO HADD U GELIYEENE GEESIGA MADOW UMA OGGOLA GUUSHA REER EUROPE GEERIDA LUMUMBA WADNUHU NOO GIG LEEYAHAYE GEYGIISII GOORTUU QABTOO GEES ISUGU LEEXSHA KA GUURA GALABTUU YIDHAA GEEDDAN LOO XIDHAYE GODKA WAXA U QODAY HAMARSCHOLD WAA GEDDUU WADAYE MAANTABA HADDAY GOWRACEEN WAA KA GAMA’YAANE DOOLLARKU MEESHUU GALABA WAA GENBIYI JIRAYE NIIKII DUNIDA KALA GAABIYAY BAA GARABSANAYSAANE RAGGAN GACANTA HAYSTOW WALLE SAADDAN BAAD GARANE QUDHEENNANI INTAYNAAN GAB OOHAN YAYNA KALA GAADHA HADDI KALESE GOOR AAN FOGAYN GOWDA BAL AAN EEGNA. ( Dag Hamarschold xoghagyihim gud ee qaramada Midoobay Wuxu Ku dhintay shil dayuuradeed 1961 kii, wayadu qalalaasaha Congo) . ...................................................... DUGSI MALE QABYAALADI Gabaygan waxaa tiriyey abwaankii waynaa ee Cabdillaahi Suldaan Timacade. Abwaanku wuxuu gabaygan si murugoleh kaga hadlay dhibaatooyinka qabyaaladdu leedahay iyo sida ay umadda Soomaaliyeed ula hadhay una baabiisay hadii aanay ka hadhina aanay aayo lahayn. Soomaaliyi inay ka hadhaan daaye waa bay sii badsadeen sida bariiska, sidii abwaanku sheegaybaana dhacday baaba' iyo hoog! Wuxuu yidhi:- Dabuubtiisa gabay waan ka tagay, dihashadiisiiye Dubaaqayga waataan ka jaray, waa fog dabadeede Shin kastood daleed uga baxdoo, nabar isdiidsiiso Dibnahaagu shaygay bartaan, waad ku dayataaye Haddii gole dabbaaldeg iyo farax, loo dalbado maalin Oo loo duddeeyoo khalqigu, daawasho u joogo Uu mid aan daryeelini xakame, daamanka u geliyo Uu duulin orodkuu lahaa, dalacsi siin waayo Uu cidhibta darrandoorriyuu, duubo madaxiisa Debcin maayo oo wuxuu ka baqan, inuu ka duulaaye Haddaad adigu daacuun ku tahay, dooddan iyo baacin Gacmaha waa ka daayaa ninkii, fuulmo daashadaye Jeeroon direyska u gashoon, dibeda soo taago Daleen aniga iigama tagee, waa dig siin jiraye Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo, diirka uga qaaday Dadka waxaan ogaysiinayaa, dowgu suu yahaye Soomaaliday dayaya wanaag, idinka doorsoonye Docda bari, dorooriga baddiyo, Seylac deriskeeda Dusha koonfureed iyo ilaa, wabiga daaciisa Degmadeena oo idil haddaan, dayey abwaankeeda Nimaan duubiyadu naafo noqon, deelka laga waaye Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede Anuunbaa damqanayee dheguhu, uma daloolaane Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray Wixii hore usoo daashadaay, degashanaysaaye Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda Ooy duul walaala ah tahaooy, duunka ka heshiiso Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa'in abidkiise Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye Ubadkiinii waad daadiseen, waana dubateene Dubaaxdiisii waad wada cunteen, duhur dharaareede Dariiq toosan Soomaaliyey, waa lagaa dedaye Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa hela e Nin ka duday distoorkiyo waxyiga, diinti ka carrowye Dugsi maleh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo, daynin kala qaadka Dibaddaan ka joognaa sharciga, daacadda Illaahe Danbarkeedu waa Jahannamiyo dogobkii naareede Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane D!r d!r la isu laayiyo intaan, weerar daba joogno Ooy dumarku weerkii sitaan, danabadii waayey Uu sida dureemada u yaal, meydku dibaddiinna Wallee doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane. TIMACADDEH ''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''' Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gediid Posted March 15, 2004 Thanks for sharing Ayoub.Somalis unfortunately tend to celebrate poets whose poetry was for the purpose of inciting hatred and qabyalaad but Timacadde's poetry was more nationalistic and head and shoulders above the rest. Quote Share this post Link to post Share on other sites
AYOUB Posted March 15, 2004 Gediid a lot people have dubbed ahead of their time, he certainly was. I think its so nice that a new shoool in Gabiley has been named after him, and I'll be adding more poems by him in here Isha Allah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
LANDER Posted March 18, 2004 Ayoub, thanks for the post, I always wanted to read more of timacadeh's work as well as Bodheri. Quote Share this post Link to post Share on other sites