Sign in to follow this  
AYOUB

POEMS BY TIMACADDE

Recommended Posts

AYOUB   

TIMACADDE

 

 

 

Taariikhdii Noloshiisa oo gaaban- Maxamad Yuusuf Ducaale

 

 

 

Cabdillahi Suldaan Maxamed, wuxuu ku dhashay Gallooley, 1920Kii. Wuxuu ka dhashay qoys beeraaley ah .Cabdillahii Suldaan dhalinyarnimadiisii wuxu tuman jirey ciyaar soomalida, taasoo u kula baxay « TIMACADDE »

 

Tixdan ayaa gabay Cabdillahi Suldaan ugu horreysay. Waxay ku siman tahay ilaa 1936kii:

 

Foox doon haddaad tahay dukaan furan ma weydeene

Maxaa faras magaalaha ku dhigay laga hoyday fiidkii.

 

 

Muddadii badnayd ee uu gabyi jiray ayuu cudur kago, dhacay dhuunta. Timacadde jirradda ayuu u dhintay 6dii febraayo 1973kii. 7dii bishaas ayaa Gabiley laguu aasay. Timacadde wuxu ka tegay 5 carruur ah .

 

Timacadde gabaygiisa soomaali tilmaan iyo wax sheeg teed walba wuu ugu dhigay. Gabayadiisu wax adag ma ahayn waayo, kuma faanijirin gayaanimo e dadka ayuu midnimo iyo qabyaalad la daggaallan ugu baaqi jiray.

 

 

 

Timacade wuxu geeraarkan inagu tusaaleynayaa awooda Eebbe ee aan koobnayn. Geeraarkan waxa inooga muuqaneysa aqoonta qotada dheer ee Timacadde u lahaa diinta. Wuxuu ina tusaaleynayaa jirrabkii iyo dhibaatooyinkii la soo mariyey Nebiyada iyo siduu Eebbe ugu hiilliyey, wuxu yidhi :

 

Ilaahi cirka taagayee

 

Dayaxa iyo cadceeddiyow

 

Xiddigaa ku cigaalayow !

 

Ilaahi caadil ahaaye

 

Dhulka caynkan u daadshaye

 

Ku culaysiyey buurta e

Isagoon cidi joogin

 

Casiiskii Nebi Aadan

 

Ka buuray cammuudda e

 

Cidhifkaa bidixdiisa

 

Intuu caaro ka jeebay

 

Cadkii Xaawa ka yeelayow

 

Ilaahi caadil ahaaye

 

Ciyaarsiiyay buxuurta e

 

Ceejiyee ama siiyayow

 

Ilaahii caadil ahaaye

 

Casiiskii Nebi Luud

 

Kuwii caasi gareeyay

 

Amaba ceebta yiqiinnay

 

Habeen cawda u gooyayow

 

Ilaahii caadil ahaaye

 

Casiiskiisii Suleymaan

 

Dabayshuu carbiyayow !

 

Ilaahii Nebi Ciise

 

Cilmigiisa ku qaadaye

 

Cashaduu iman doonana

 

Cawar seef ugu dhiibayow

 

Ilaahi caadil ahaaye

 

Casiiskii Ayuub

 

Cudurkii uu ku raajay

 

Marki uu caban waayey

 

Caafimaad ugu doorshay

 

Curuuqddiisii dhammaatiyo

 

Raxmaddii ku dul caastay

 

Cimrigoodi yareeyaye

 

Cusbeysiiyey Jidhkooda E

 

Caruusiinta ka yeelayow

 

 

..................................................................

 

 

Gabay Cabdillahi Suldan 'Timacaddeh' u tiriyey Patrice Lumumba

 

Timacaddeh isago ka qiiraysan kana murugoonaya hadimada gumaysigu Afrika ku hayo iyo dilka badheedhka ah ee halaygii Patrice Lumumba wuxy yidhi:

 

QARAMADAN GADAAL KACAY QARBIGU WAA GEDDIYAAYE

 

GOBANNIMAOA LAMA DOONAYAAN GADASHO MOOYAANE

 

WIILKII GARAAD LAGU TUHMABA WAY KA GURAYAANE

 

GARDARRIYO IS-YEEL YEEL HORAA GANDHI LOO DILAYE

 

KAMAALU-DIN QAAR BAA U GABBADAY QAATAY GINIYAADE

 

XARBIGII GUNTADAY BAY QUNBULO HADD U GELIYEENE

 

GEESIGA MADOW UMA OGGOLA GUUSHA REER EUROPE

 

GEERIDA LUMUMBA WADNUHU NOO GIG LEEYAHAYE

 

GEYGIISII GOORTUU QABTOO GEES ISUGU LEEXSHA

 

KA GUURA GALABTUU YIDHAA GEEDDAN LOO XIDHAYE

 

GODKA WAXA U QODAY HAMARSCHOLD WAA GEDDUU WADAYE

 

MAANTABA HADDAY GOWRACEEN WAA KA GAMA’YAANE

 

DOOLLARKU MEESHUU GALABA WAA GENBIYI JIRAYE

 

NIIKII DUNIDA KALA GAABIYAY BAA GARABSANAYSAANE

 

RAGGAN GACANTA HAYSTOW WALLE SAADDAN BAAD GARANE

 

QUDHEENNANI INTAYNAAN GAB OOHAN YAYNA KALA GAADHA

 

HADDI KALESE GOOR AAN FOGAYN GOWDA BAL AAN EEGNA.

 

( Dag Hamarschold xoghagyihim gud ee qaramada

Midoobay Wuxu Ku dhintay shil dayuuradeed 1961 kii, wayadu qalalaasaha Congo) .

 

 

......................................................

DUGSI MALE QABYAALADI

 

Gabaygan waxaa tiriyey abwaankii waynaa ee Cabdillaahi Suldaan Timacade. Abwaanku wuxuu gabaygan si murugoleh kaga hadlay dhibaatooyinka qabyaaladdu leedahay iyo sida ay umadda Soomaaliyeed ula hadhay una baabiisay hadii aanay ka hadhina aanay aayo lahayn. Soomaaliyi inay ka hadhaan daaye waa bay sii badsadeen sida bariiska, sidii abwaanku sheegaybaana dhacday baaba' iyo hoog!

Wuxuu yidhi:-

 

Dabuubtiisa gabay waan ka tagay, dihashadiisiiye

Dubaaqayga waataan ka jaray, waa fog dabadeede

Shin kastood daleed uga baxdoo, nabar isdiidsiiso

Dibnahaagu shaygay bartaan, waad ku dayataaye

Haddii gole dabbaaldeg iyo farax, loo dalbado maalin

Oo loo duddeeyoo khalqigu, daawasho u joogo

Uu mid aan daryeelini xakame, daamanka u geliyo

Uu duulin orodkuu lahaa, dalacsi siin waayo

Uu cidhibta darrandoorriyuu, duubo madaxiisa

Debcin maayo oo wuxuu ka baqan, inuu ka duulaaye

Haddaad adigu daacuun ku tahay, dooddan iyo baacin

Gacmaha waa ka daayaa ninkii, fuulmo daashadaye

Jeeroon direyska u gashoon, dibeda soo taago

Daleen aniga iigama tagee, waa dig siin jiraye

Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo, diirka uga qaaday

Dadka waxaan ogaysiinayaa, dowgu suu yahaye

Soomaaliday dayaya wanaag, idinka doorsoonye

Docda bari, dorooriga baddiyo, Seylac deriskeeda

Dusha koonfureed iyo ilaa, wabiga daaciisa

Degmadeena oo idil haddaan, dayey abwaankeeda

Nimaan duubiyadu naafo noqon, deelka laga waaye

Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede

Anuunbaa damqanayee dheguhu, uma daloolaane

Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane

Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray

Wixii hore usoo daashadaay, degashanaysaaye

Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda

Ooy duul walaala ah tahaooy, duunka ka heshiiso

Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye

Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa'in abidkiise

Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye

 

Ubadkiinii waad daadiseen, waana dubateene

Dubaaxdiisii waad wada cunteen, duhur dharaareede

Dariiq toosan Soomaaliyey, waa lagaa dedaye

Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa hela e

Nin ka duday distoorkiyo waxyiga, diinti ka carrowye

Dugsi maleh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane

Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo, daynin kala qaadka

Dibaddaan ka joognaa sharciga, daacadda Illaahe

Danbarkeedu waa Jahannamiyo dogobkii naareede

Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

D!r d!r la isu laayiyo intaan, weerar daba joogno

Ooy dumarku weerkii sitaan, danabadii waayey

Uu sida dureemada u yaal, meydku dibaddiinna

Wallee doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane

Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.

TIMACADDEH

 

'''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

Thanks for sharing Ayoub.Somalis unfortunately tend to celebrate poets whose poetry was for the purpose of inciting hatred and qabyalaad but Timacadde's poetry was more nationalistic and head and shoulders above the rest.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Gediid a lot people have dubbed ahead of their time, he certainly was. I think its so nice that a new shoool in Gabiley has been named after him, and I'll be adding more poems by him in here Isha Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this