Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Oo is Casilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyihii xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, mudan Cabdiqani Saciid Carab ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu gebi ahaan iska casilay xilka guddoonka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo uu hayay muddo toddobo sano ah.

Mudane Cabdiqani ayaa isugu yeeray bahda saxaafadda maanta oo Arbaco ah taariikhduna ay ku beegan tahay 16-ka bisha February ee sanadka 2022, waxaana uu halkaas isaga casilay xilkii uu u hayay xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Maalmihii lasoo dhaafay ayuu Mudane Carab dhexda kaga jiray dagaal iyo khilaaf xooggan oo ay iska hor imaadeen qaar ka mid ah maamulka xiriirka taasoo xitaa keentay in xiriirka kubadda cagta dunida ee FIFA uu xubno usoo diro magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya si loo xalliyo khilaafaadkan.

Si kastaba ha ahaatee, Cabdiqani ayaa dhinac u riday xaaladihii taagnaa isagoo go’aansaday inuu iska casilo xilka uu u hayay xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this