Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab oo is casilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cabdiqai Saciid Carab oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii uu hayey.

Cabdiqani oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sababta is casilaadiisa ku sheegay isagoo u naxayo Kubadda Cagta Soomaaliya.

Wuxuu xusay inaysan jirin cadaadis saaran iyo cid ku qasabtay inuu is casilo, wuxuuna ku baaqay in doorashada xiriirka la qabto taasoo lagu ballansan yahay dhammaadka sanadkaan.

Is casilaada Cabdiqani ayaa kusoo aadeyso xilli uu xiriirka Kubadda Cagta Soomaliya u kala jabay Laba qeyb oo ay kala hoggaaminayeen Cali Shiino iyo Cabdiqani oo kala ahaa guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen.

Sida uu qabo Sharciga xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya waxaa xilka guddoomiyaha sii heyn doono Cali Shiino oo ah ku xigeenka inta laga gaarayo doorashada xiriirka oo dhaceyso dhammaadka Sanadkaan.

The post Guddoomiyihii xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab oo is casilay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this