Sign in to follow this  
Deeq A.

“Biyo iyo Baad aynu Bulshadeena Gaadhsiino…” Xirsi Cali Xaaji Xasan

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa xalay kulan Hargeysa kula qaatay inta badan bahda Saxaafadda madaxabannaan ee Somaliland .

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii guddoomiyuhu ugu baraarujin lahaa Saxaafadda in ay dardar geliyaan ka wararanka  xaaladda Abaarta iyo duruufaha adag ee soo wajahay Danyarta

“Waxaa iska soo dabadhacaya wararka dhiillada xambaarsan ee Abaarta bulshadeenna ku habsatay. Waxa muuqata in ay jirto abaar baahsan oo werwer badan gelisay nolosha dadka iyo xoolaha Somaliland, waxaanu ku baaqaynaa in gurmad loo kaco oo dawlad iyo shiciba dadka loo gurmado oo la gaadhsiiyo biyo iyo baad wixii la helo.

Illaahayna waxaan ka baryayaa in uu raxmaadka innoo shubo oo u soo naxariisto ummaddiisa. Idinkana waxaan idinku dardaarayaa, inaad ka qayb qaadataan sidii aad    indhaha ganacsatadeena,! xukuumadda iyo beesha caalamka aad ugu soo jeedin lahaydeen inay samata bixiyaan dadkaas abaaruhu sameeyeen” ayuu yidhi guddoomiye Xirsi

Ugu dambayn guddoomiyaha iyo warbaahinta madaxabanaan ayaa isla qaatay in si buuxda dareenka loogu soo jeediyo xaaladda abaarta ah ee badi dadka reer Somaliland wajahayaan, gaar ahaan kuwa miyiga ku nool.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this