Sign in to follow this  
Deeq A.

 Jabuuti:M/weyne Geelle oo shaqadii ka joojiyey Taliyayaal Ciidan+Inqilaab laga shakiyey. 

Recommended Posts

Deeq A.   
  Jabuuti:M/weyne Geelle oo shaqadii ka joojiyey Taliyayaal Ciidan+Inqilaab laga shakiyey.
 jabuuti-1-1024x663.jpg
Taliyayaashii ciidamada Booliska iyo Milateriga Jabuuti ayaa xabsi guri laga dhigay, sida ay cadeynayaan warar madax banaan oo lahelayo, iyadoo ay adag tahay in lahelo macluumaad buuxa.
Taliyaha ciidamada Milateriga Jabuuti Jen, Zakariye Sheekh Ibraahim & Taliyaha Booliska Korneyl, Cabdilaahi C Faarax ayaa ciidamada Nabadsugida iyo Ilaalada Madaxtooyada la dul-dhigay.
Taliyaha Milateriga ayaa ciidankaas hogaaminayay ilaa markii xoriyada qaadatay Jabuuti, Geelle ayaa ka welwelsan in xukunka Jabuuti ladhaafiyo.
22 sanno wax kabadan ayuu Ismaaciil hayaa hoggaanka dalkan yar ee Jabuuti, deynta ugu badan ayaa lagu leeyahay dalkan, waana dal u qaabeysan sida Shirkad gaar ah, waxaana kuwada nool dalkan Qowmiyadaha Cafar iyo Soomaali.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this