Sign in to follow this  
Deeq A.

Xilli Dagaal lagu jiray intaan seexday ayaan soo toosay Anigoo Baangad layla dul taagan yahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xilli Dagaal lagu jiray intaan seexday ayaan soo toosay Anigoo Baangad layla dul taagan yahay

Samuel Sorie Sesay as a soldier and more recently

Samuel Sorie Sesay, oo ka mid ahaa dadkii laga qaaday Galbeedka Afrika ee ka barbar dagaallamay Askartii Ingiriiska ee ku jiray Dagaalkii Lbaaad ee Adduunka, ayaa bishii lasoo dhaafay ku geeriyooday waddanka Sierra Leone, xilli ay da’diisu ahayd 101 sano.

Ninkan oo aaskiisa la sameeyay maalintii Jimacada ayuu taariikhdiisa ka warramayaa Umaru Fofana.

Xasuustiisu waxay ahayd mid cajiib ah balse isagu wuxuu dareemayay in la hilmaamay halyeynimadiisa.

Mar uu u dabaaldegayay nolo hal qarni ah sanadkii 2020-kii, isagoo ay ku hareereysnaayeen qoyskiisa ballaaran, ayuu ninkan, oo loo yaqanano naaneysta Pa Sorie, diyaar u ahaa inuu hadlo.

Waxa uu ka sheekeeyay qisooyin cajiib ah oo ku saabsan markii uu ciidamada Japan kula dagaallamay Burma in ka badan 75 sano ka hor.

Waxa uu ka mid ahaa askar tiradoodu ahayd 90,000 oo markab looga qaaday Galbeedka Afrika, kaddibna la geeyay Aasiya.

Waxay isu qeybiyeen labo waxayna galeen dagaallo waaweyn oo la mid ah kuwii ka dhacay xeebaha Britain.

Marka uu sharraxayay sida loo hilmaamay ayuu Pa Sorie sheegay in looga baxay ballan ahayd in lacago la siin doono marka uu dagaalka dhammaado, taasoo uusan helin waligiis.

Marka laga hadlayo dhinaca mandhowgana ama lacagta howlgabnimadana, militeriga Britain waxba ma aysan siinin ciidankii ka qayb galay Dagaalkii Labaad ee Adduunka, marka laga reebo kuwii ku dhaawacmay dagaalka, kuwaasoo aan loo kala sooceynin meesha ay ka imaadeen.

Hase yeeshee dukumiintiyo shaaca laga qaaday 2019-kii ayaa muujiyay in askartii Afrika ka socotay ay heleen lacag ka yar tii la siiyay ciidamadii Britain ee ay ka barbar dagaallamayeen.

Pa Sorie ayaase lacag ka helay hay’ad uu fadhigeeda yahay UK oo lagu magacaabo “the Royal Commonwealth Ex-Services League”.

African and Indian soldiers
Qiyaastii 90,000 oo ahaa askar laga qaaday Galbeedka Afrika ayaa la geeyay Aasiya si ay uga dagaallamaan

Inkastoo aan la siinin magdhow, haddana Pa Sorie waxa uu qiray in uusan marna ka qoomameynin go’aankii uu 1939-kii ugu biiray ciidankii la qaaday, si uu uga soo qayb qaato wax uu ugu yeeray “dagaalkii fiicnaa”.

Wali waxa uu xasuustay heesihii qadiimiga ahaa ee ay ciidanku qaadi jireen marka ay dagaalka aadayaan, sida : “Hitler ayy bongolio!” oo ah hal ku dhig ka dhan ahaa hoggaamiyihii Jarmalka ee keli taliska ahaa.

Waxa uu sheegay in erayadu ay ahaayeen luuqadda hindiga balse uusan xasuusanin micnahooda.

Pa Sorie waxa uu ka hadlay sida uu ciidamadii Hitler ugu wajahay waddanka Burma, inkastoo cadowga halkaas joogay ay ahaayeen askartii Japan, oo aysan ahayn kuwii Jarmalka.

Ragga waxaa la diyaariyay iyagoo qayb qayb looga kaxeeyay Galbeedka Afrika. Qaarkood waxay askarta ku biireen kaddib markii loo sheegay inay la dagaallamayaan digraddii naasiga ee Hitler, sida uu sheegay taariikh yahanka lagu magacaabo Dr Oliver Owen.

Pa Sorie waxa uu markii hore tagay Lagos, si uu tababar ugu soo qaato. – halkaasoo uu uga mid noqday ciidamadii laga qoray Nigeria, Gambia iyo Gold Coast oo hadda loo yaqanano Ghana.

Waxaa loo diyaariyay inay ka dagaallamaan dhulka hawdka ah ee keymaha ku dhex yaalla, oo ah waxa uga horreeyay Burma.

Markii la geeyay Aasiya, waxa uu ka qayb galay wax uu ku tilmaamay ololihii riixidda Burma, oo markaas ay heysteen ciidankii Japan. Ujeeddadu waxay ahayd in la durjiyo Japan lagana hor istaago inay galaan gudaha Hindiya.

Pa Sorie waxa uu si fiican u xasuustay maalin dagaal qaraar ay galeen, kaasoo ka dhacay buundo ay ciidanka Japan doonayeen inay kuwa Britain ka hor istaagaan sidii ay uga gudbi lahaayeen. “Balse waan ka adkaannay, waana ka gudubnay buundadii oo waxaan galnay keymaha,” ayuu yiri.

‘Waligey ma libiqsanin’

Askartu waxay la kulmeen xaalad adag marka ay hawdka ku sugnaayeen, iyagoo alaabtoodana ku qaadanayay madaxa.

Waxay dagaal kula jireen cadow aad u yaqananay sida loogu dagaallamo keymaha. Sidoo kale qaar ka mid ah rug caddaayadii kasoo badbaaday waxay ka sheekeeyeen rag daal awgiis ugu dhintay halkaas.

Pa Sorie waxa uu xasuustay maalin uu hurdo la dhacay iyadoo goobtaas la joogo. Markii uu soo kacay, wuxuu indhaha kala qaaday isagoo uu askari British ah la dul taagan yahay baangad.

Askarigii ayaa ugu hanjabay in uu dilayo, inkastoo Pa Sorie uu arrintaas u qaatay kaftan.

Hase ahaatee, dhacdadaas waxay baddashay xirfaddii militeri ee Pa Sorie.

“Markii aan maalintaas badbaaday waligey oo dambe ma libiqsanin anigoo dagaal ku jira,” ayuu yidhi isagoo dhoolla caddeynaya.

 

Men carrying a stretcher
Kumannaan askari oo ka socday Afrika ayaa ku dhintay Dagaalkii Labaad ee Adduunka

Markii uu soo dhammaaday dagaalkii, waxa uu dib ugu laabtay waddankiisa Sierra Leone, halkaasoo uu ka billaabay shaqo dowladeed. Ugu dambeyntii waxa uu ku biiray howlgalkii waddankaas ee loo yaqaannay USSR.

Balse halyeynimadiisii dagaalka lama xusin ka hor iyo kaddib markii uu dalkiisa xornimada qaatay 1961-kii.

Dowladdiisa kama uusan helin koolkoolin, isagoo ka mid ahaa dadkii ugu dambeeyay ee ka noolaa dagaalyahannadii ka qayb galay Dagaalkii Labaad ee Adduunkana, waddankiisa si wanaagsan loogama aqoonin.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this