Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga UCID Oo Ka Hadlay Xubin Iska Casilay Komishanka Doorashooyinka Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Cabdifataax Ibraahim Xasan oo ka mid ahaa Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa is casilay.

Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Yuusuf Kayse Cabdillaahi, ayaa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyey in Xubintii Xisbigooda ku matalaysey Komiishanka doorashooyinku is casilay.

Xoghayuhu ma sheegin sababta uu isku casilay, balse wuxuu Wargeyska u sheegay inay diyaariyeen xubintii Xisbiga u buuxin lahayd halka uu Casilay ee Xubinnimada Guddiga doorashooyinka “Waa Diyaar” ayuu yidhi Xoghayaha Warfaafinta UCID oo Wargeysku waydiiyey inay diyaariyeen Ciddii Xisbiga ku matali lahayd Komiishanka.

Cabdifataax ayaa 13-kii sano ee ugu dambeeyay waxaa uu ka mid noqday  guddiyadii doorasho ee kala dambeeyay, kuwaasi oo ku matalayey Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID.

Illaa hadda lama oga sababta uu isku casilay Cabdifataax.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this