Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Muudeey oo sheegay in loo diiday Baraawe

Recommended Posts

Deeq A.   
Muuqaal: shirka jaraa’id ee Muudeey

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa sheegay in loo diiday diyaarad uu u raaci lahaa magaalada Baraawe oo lagu qabanayo doorashada kursiga uu ku fadhiyay.

Guddoomiye Muudeey oo goordhaweyd shir jaraa’id ku qabtay gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa tilmaamay in amarka loogu diiday Baraawe uu bixiyay maamamulka Koonfur Galbeed.

“Maanta safar ayaan ahaa waxaan u socday magaalada Baraawe, waxaana u socday kursigii yaallay Baraawe in aan u tartamo. Waxaa dhacday in garoonka Aadan Cade laygu celiyo, la ii diido in aan meesha ka raaco diyaarad aniga iyo istaafkaygii u socday Baraawe. Diyaaradiina lagu amray oo la yiri ninkaas ma soo qaadi kartid…Markaan weydiiday qolada shirkadda diyaaradaha waxay yiraahdeen amar ayaa nala soo siiyay, maamulka Koonfur Galbeed baa amar nasoo siiyay. Qolada duulista hawada sare Baraawe waxa ay diyaaradda ku yiraahdeen haddii aad soo qaadaan (Muudeey) diyaaradda oo dhan ayaan ridaynaa” ayuu yiri Muudeey.

Muudeey wuxuu sheegay in tallaabada loogu diiday tartanka doorashada Baraawe ay tahay mid gef ah oo ku xadgudbaysa xuquuqdiisa asaasiga ah.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa weli ka jawaabin eedeynta uu u jeediyay guddoomiye Muudeey ee la xiriirta in loo diiday Baraawe.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiye Muudeey oo sheegay in loo diiday Baraawe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this