Deeq A. Posted February 13, 2022 (SLT-Muqdisho)-Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ku geeriyooday Allaha u naxariistee Abwaankii Weynaa ee Cabdikariin Faarax Qaareey Jiir, oo maalmihii la soo dhaafay xanuunsanayay. Allaha u naxarisitee Cabdikariin Jiir ayaa ku geeriyooday Cisbitaalka Digfeer oo uu ku xanuunsanayay maalmihii la soo dhaafay. Alle ha u Naxariistee Cabdikariin Faarax Qaareey Jiir ayaa ahaa Abwaan iyo laxamiiste, kasoo qeyb qaatay horumarinta Fanka xilligii barisamaadkii, waxaana hadda uu ka tirsanaa Madaxda Hobolada Qaranka Waaberi. Cabdikariin Jiir ayaa ka mid ahaa fanaaniinta faro ku tiriska ah oo dalka aan ka bixin soddonkii sanno ee la soo dhaafay. Alle ha u naxariistee, Abwaan Cabdikariin Faarax Qaareey Jiir wuxuu sannadkii 1943-dii ku dhashay magaalo xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug. Source Share this post Link to post Share on other sites