Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano Badan Oo Diiday Ka Qayb-galka Kulan Uu Maanta Madaxweyne Biixi La Yeelanayo Xildhibaannada Golaha Wakiillada + Wararkii Ugu Dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Tiro ka badan 10 xildhibaan ayaa sheegay inaanay ka qayb galayn Kulanka xildhibaanada golaha wakiilada iyo madaxweynaha ku dhexmaraya qasriga madaxtooyada.

Xildhibaanadan ayaa ku dooday in xilligan oo abaari ka jirto Deegaamada Somaliland aanay habboonayn casuumadda.

Xildhibaan Xasan Ogaal oo ka mid xildhibaanada diiday ka qayb-galka kulanka madaxweynaha ayaa yidhi sida tan

“Kulanka Madaxweynaha iyo Xildhibbaanada Golaha Wakiilada ee beri dhacaya iigu ma muuqdo mid munaasib ah, sidaas darteed ka Xildhibbaan ahaan kama qeyb-geli doono laba sababood dartood.

1. In damiirkaygu uu i siin waayey in iyada oo dalku ku jiro xaalad abaareed oo adag oo qeylo-dhaanta biyo la’aaneed na ay dhinac walba ka soo yeedhayso aan ka qeyb galo xaflad tamashlayn ah. Runtii maanta oo kale Madaxweynaha waa ku mas’uuliyad darro in iyada oo uu og yahay duruufaha adag ee wadanku ku jiro inuu iska xafladaysto waayo xaaladda maanta lagu jiro waxay ahayd inuu umaddiisa la hadlo, shacabka abaaraha iyo biyo la’aantu saameeyeena u gurmado, sidoo kale na uu innoo keeno xalka iyo sidii wax loogga qaban lahaa sicir-bararka iyo shidaalka qaaliyoobay inta ba ee aanu maalin ka hadal.

2. Ta labaad ee aanan kulankaas uga qeyb-geli doonin waxa weeye in kulanku aanu ahayn mid ku qabsoomaya goobtiisii oo ah xarunta Golaha Wakiilada, umana muuqdo

mid si furan looga wada hadlaayo xaalada taagan, sida aynnu ognahayna Madaxweynaha waxa waajibka saaran ka mid ah ee dastuurku faraayo inuu khudbad sanadeed u jeediyo Golaha sanadkii ba hal mar iyo wakhtiyada ay soo kordhaan xaalado deg-deg ah inta ba, sidaas darteed dawladnimo maaha, nimaad sax ahna maaha, shuruucda na meel kaga ma jirto kaalaya aynu xafladaysanee.

Madaxweyne, waxaan ku xasuusinayaa inay umaddan mas’uuliyadi kaa saaran tahay oo lagu gu la xisaabtami doono, Xildhibbaanadu na qado kaaga ma baahna ee waxay kaaga baahan yihiin waa wada shaqeyn iyo inaad ixtiraamto shuruucda dalka iyo ku dhaqankooda. Sidaas darteed, waxaan kuu soo jeedinayaa inaad is mashquulinta aad ka baxdo oo aad shacabkaaga u naxdo, waxna ka qabato xaaladaha adag ee dalka ka jira.

Mahadsanidiin.”

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Jaamac Koodbuur ayaa isaguna diiday kulanka maanta ee madaxweyne Biixi ayaa yidhi sida tan:

“Ma diidin marti soorka m.weynaha, walow maalin hore ku haboonayd,  iyo in laysku soo dhaweeyo fulinta iyo golaha wakiilada, se, waqtiga iyo  wacyiga siyaasi iyo duruufaha jira ayaa damiirkaygu u  diiday dalabka madax weynaha.

$100,000, ka yaraan maayo qarashku beri, hadii biyo loo rogo, loogu gurmado dadkeena abaartu hayso, waxay dhaamin kartaa; 400-500 oo booyadood ($200*500=$100,000).

M.weynuhu masuul waxuu ka yey duruufaha siyaasi ee dalku ku jiro maanta, weli ma uu garan xisbiyadii u yeedh si laysugu soo dhawaado, waftiyo kala duwan ayaa dalka ku soo fool leh oo waxaynu dhamaysan kari wayney u socda inay inoo qabtaan.

Qudbad sanadeedkii dastuuriga ahaa ma uu ixtiraamin mana uu hor iman m.weynahu golaha.

Intaas and more ayaan isu dhaafiyey casuumaada beri.

Maalinta Isniintana waxaan soo jeedin lahaa hala soomo.”

Dhan kale Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun ayaa ka mid ah xildhibaanada ka cudur-daartay ka qayb-galka kulanka Madaxweynaha ayaa yidhi sida tan

“Shakhsiyan waxa aan soo jeedin laha in la baajiyo kullanka berrito ee Madaxweynaha iyo Xildhibaanadda xaaladda abaareed ee dalku galay dartii waayo? bulshadi doorashada bacadka noo joogsatay oo biyo la’aan soo wajahday in Qasriga Qado lagu cuno waxa ay ka hor imaneysa damiirka  iyo dadnimada san, Xildhibaan kastaba ha tago oo dib ha ugu noqdo degmo doorashadiisii oo dadkiisi biyo iyo baad ha la raadiyo. Madaxweynuhu wixii tallo iyo tusmo ah ee uu hayo ha la wadaago Shir-Guddoonka Golaha.”

Xildhibaano shaaciyey inaanay ka qayb galayn martiqaadka madaxtooyada ayaa kala ah

1. Xildhibaan Barkhad Batuun…Waddani

2. Xildhibaan Axmed Nuur Guruje…Kulmiye

3. Xildhibaan Maxamed J. Koodbuur..Ucid

4. Xildhibaan Maxamed-khadar Daahir..Ucid

5. Xildhibaan Siciid Sokeeye…Waddani

6. Xildhibaan Xasan Ogaal…Waddani

7. Xildhibaan Saleeban Nuur Warsame (Food)

Sidoo kale waxa jira xildhibaanno kale oo iyagu ka cudur daartay kuwaas oo tiradooda lagu sheegay laba xildbibaan.

Madaxweyne Biixi ayaa la filayaa in uu maanta kulan la yeeshay xildhibaano ka tirsan golaha wakiillada lama oga arrimaha ay ka wada-hadli doonaan

Somalilandtoday kala soco wixii warar ah ee ka soo kordha kulankan

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this