Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoggo Ka Soo Baxay Kulan Dhexmaray Madaxweyne Biixi, Dr Gaboose Iyo Cali Warancadde

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoggo soo baxaya ayaa sheegaya inuu kullan ku dhexmaray Magaalada Hargeysa siyaasiyiinta kala ah Dr Maxamed Cabdi Gaboose iyo Cali Maxamed Warancad,kuwaas oo ka soo wadda jeeda Beesha West Burco Clan.

Xoggaha ayaa tibaaxay in labada siyaasi ay kaga wadda hadleen kulankaas xaaladda siyaasiga ah ee uu dalka marayo iyo damacooda siyaasaddan khaasatan fursadaha furashada ururrada siyaasadeed,waxaana là sheegay inay isku afgarteen in ay wadda shaqeeyaan gaar ahaana sidii Dr Maxamed Cabdi Gaboose loogala shaqayn lahaa ee loogu garab siin lahaa furashada urur siyaasadeed.

Siyaasi Cali Warancade ayaa xogguhu ay sheegeen in uu ballan-qaaaday inuu dhisayo Dr Gaboose, isla markaana uu ku garab siin doonno damaciisa iyo doonistiisa urur siyaasadeed u gudba mustaqbalka Xisbi Qaran.

Dhanka kalena Xoggaha aanu helnay ayaa xaqiijiyey in Dr Gaboose iyo Siyaasi Cali Warancade ay intaas kaddib kullan kale oo la xidhiidha kaas ay si wadda jir ah ula yeesheen Madaxweyne Biixi, waxaana uu siyaasi warancadde uu u sheegay Madaxweyne Biixi inuu u tanaasulay Dr Maxamed Cabdi Gaboose kuna taageeraayo inuu  furto urur siyaasadeed, taas oo la sheegay inuu Madaxweyne Biixi uu soo dhaweeyey.

Ibraahin Jookar

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this