Deeq A. Posted February 10, 2022 Magaalada Muqdisho ayaa maanta oo khamiis ah lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada 5 kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu ay tahay Somaliland. Kuraasta maanta doorashadooda la qabanayo ayaa kala ah HOP#205, HOP#240, HOP#241, HOP#263 iyo HOP#271 Waxaa baarlamaankii dhamaaday ee 10-aad kuraastaan dadka reer Somaliland ku matalayay xildhibaanada kala ah:- HOP#240: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhisay xildhibaanad Suri Diiriye Carab. HOP#241: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Cabdirisaaq Daahir Maxamuud. HOP#263: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Muuse Saciid Jaamac. HOP#271: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye. HOP#205: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhisay xildhibaanad Sahra Cabdulqaadir Cabdiraxmaan.. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites