Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Madaxweyne Biixi Oo Shalay Kulan La Yeeshay Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, Maxay Ka Wada Hadleen?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maalintii shalay kulan la yeeshay xubnaha Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, oo uu horkacayo Guddoomiyaha golahaas Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Ma jiro war  rasmi ah oo ka soo baxay kulankan madaxweynaha iyo Shirguddoonka golaha wakiillada, hase yeeshee sida warar xogogaal ahi sheegeen Madaxweynaha iyo Shirguddoonka Wakiillada ayaa wada hadlay wada shaqaynta Xukuumadda iyo Golaha iyo sidii meesha looga saari lahaa mad madowga soo kala dhex galay ee ay u dambaysay Wasiirradii la sheegay in ay diideen in ay hor tagaan golahaasi.

Wararku waxa ay intaasi ku dareen si arrimaha meesha looga saaro uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu maalinta Axadda todobaadka soo socda dhammaan xildhibaanada Wakiillada ku casuumay  madaxtooyada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this