Sign in to follow this  
Deeq A.

Xirsi Bulxan Faarax: Alle ha u naxariistee ayaa shalay lagu aasay magaallada Stockholm

Recommended Posts

Deeq A.   
Untitled.png?resize=568%2C360&ssl=1

Sweden, Stockholm – Alle naxariistiisii janno ha siiyee Xirsi Bulxan Faarax wuxuu ka mid ahaa odayaashii Soomaaliyeed ee waligood rumeysnaa ama u soo xusul duubayay riyadooduna ahayd inay arkaan Soomaalida oo isu timaada kuna midowda hal dal, qaran, iyo dowladnimo taam ah oo si baahsan u gaarta ciidda Soomaaliyeed. Xirsi Bulxan wuxuu siyaasadda ku soo biiray xilligii gobonimo doonka wuxuuna kaalin muuqata ka soo qaatay halgankii lagula jiray gumeysiga.

Bilowgii lixdameeyadii Xirsi Bulxan wuxuu madax ka noqday hay’adda la dagaallanka ayax xafiiskeedii gobollada dhexe ee Soomaaliya, wuxuuna in muddo ah oo aan la cayimin ka shaqeyniyay gobolladaas isaga iyo koox uu hoggaaminayay oo loo taba baray la dagaalanka ayaxa iyo ka hor tagga dhibaatooyinka dabiiciga ah.

Alle ha u naxariistee Xirsi Bulxan, waxaa dabayaaqadii lixdamaadkii uu noqday xil-dhibaan ka tirsan golaha shacabka Soomaaliyeed, isla xilliyadaasna waxaa loo magacaabay wasiirka Xannaannada Xoolaha, Duur-Joogta iyo Daaqa Qaranka. Sida dadkii ku dhow-dhowaa ama ay isla soo shaqeeyeen ay ku sheegeen wasiir Xirsi Bulxan ayaa ku tilaamaanaa nin shaqada ku cad-cad ama ku adadag, wuxuuna ka mid ahaa golihii xukuumaddii ay askartii af-gambisay 1969kii. Xirsi Bulxan Faarax, muddo 9 sanadood ayaa waxaa xiray xukuumaddii kacaanka ahayd ee Max’ed Siyaad Barre.

xirsi-3.png?resize=202%2C298&ssl=1

Markii uu xabsiga ka soo baxay Xirsi Bulxan wuxuu markiiba Agaasime Guud ka noqday wakaaladdii lagu magacaabi jiray Anti-Banana, hasa yeeshee markii uu soo wajahay cadaadis faro badan oo siyaasadeed ayuu dalka ka baxsaday oo ku biiray ururkii SSDF, kaasoo uu ka mid noqday golihiisii dhexe, wuxuuna ugu dambeyntii u dhoofay dallka Sweden oo uu ka helay magan-gelyo siyaasadeed 1986kii.

Xirsi Bulxan inkastoo uu muddo dheer dalka ka maqnaa hadana marna kama bixin arrimihii siyaasadda, wuxuun kaalin muuqata ku lahaa dhaqdhaqaaqyadii dalka dibaddiisa ka socday ee lagula dagaaliyay xukunkii askarta ee dalka ka jiray. Wuxuu marar badan isku dayay ama ka shaqeeyay sidii loo mideyn lahaa ururadii siyaasadeed ee ka hor yimid xukunkii askarta ee sal-dhiggoodu ahaa dalka Itoobiya.
1998kii wuxuu ka mid ahaa wufuuddii ka qayb galay shir-weynihii lagu dhisayay maamul-goboleedka Puntland, maadaama uu ahaa xubin muhiim ahayd oo markii horaba ka mid ahaa golihii dhexe ee ururkii SSDF, aadna ula socday xaaladaha iyo siyaasadaha dalka ka socday.

Ugu dambeyntii, Alle naxariistiisii jano ha siiyee, wuxuu Xirsi Bulxan ka mid noqday erggedii lagu marti qaaday shirkii dib-u-heshiisiiinta Soomaaliyeed ee lagu qabtay dalka Kenya ee socday muddada 2da sano ahayd (Oktoober,2002-Oktoober, 2004). Intii uu shirkaas socday waxaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha ku-meel gaarka ee golihii shcabka ee lagu soo xulay Mbagathi, iyadoo uu taas ku kasbaday isagoo noqday odeygii ugu da’da weynaa xubnihii ergooyinka ahaa ee shirka fadhiyay.

Xirsi Bulxan, oo September 04, 2004, xilkaas loo magacaabay wuxuu ku guuleystay isaga iyo lix xildhibaan oo xog-heyn looga dhigay inay muddo aad u gaaban oo 11casho ah ay ku qabtaan doorashadii gudoomiyihii golaha shacabka, waliba si hufan oo aan wax turxaan ah lahayn, waxaana xusid mudan in habeenkii ay doorashadaas dhaceysay uu Xirsi Bulxan isku dayay inuu joojiyo laaluush ay bixinayeen dhinnacyadii ku tartamayay xilkaas, taasoo uusan awooddeda lahayn ama ay ku adkaatay inuu wax ka qabto, Alle ha u naxariistee Xirsi Bulxan Faarax, wuxuu maalinimmadii Arbacada ahayd ee 2dii bishan February, 2022 ku geeriyooday dalka Sweden magaallada Stockholm.

PUNTLAND POST

The post Xirsi Bulxan Faarax: Alle ha u naxariistee ayaa shalay lagu aasay magaallada Stockholm appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this