Sign in to follow this  
Deeq A.

Go’aanka Golaha Wakiilada Somaliland Wasiir Xilka Kaga Qaaday Maxaa Dastuurku Ka Qabaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida aan ka arkay warbaahinta kala duwan waxaa golaha wakiilada JSL sheegeen in ay xilkii ka qaadeen wasiir ka tirsan Xukuumadda.  Si aynu u ogaano waafaqsanaanta ama waafqsanaan la,aanta dastuurka ee go,aanka goluhu sheegay in ay xilkii kaga qaadan wasiir, waxaan is dul taagaynaa awoodaha dastuurku siiyey golaha wakiilada.

Qodobka 53aad ee dastuurka xubintiisa 1aad waxay leedahay, waxaa waajib ah in qofkasta oo loo magacaabo wasiir, wasiir ku xigeen iyo madaxda hay,adaha dawlada ogolaansho ka helo golaha wakiilada si waafaqsan dastuurka. Hal kaas laguma tilmaamin diidmada goluhu diidi karo xubin madaxweynuhu xilkaas u magacaabay, marka la weydiiyo golaha. Lakin waxaa waajibkaas la tilmaamay caddaynayaa in aanay waajib ahayn in uu xilkaas qabto qof aan ogolaanshaha golaha hayani.

Waxaa waajibkaas ka baxaya in ay xilka ka qaadi karaan mar haddii aan dastuurku waajib ka dhigin ogolaanshaha golaha wakiilada marka Wasiirka xilka laga qaadayo.

Waxaa kale oo meesha ka saaraya in goluhu xilka ka qaadi karo wasiir, nidaamka dastuuriga ah ee aan qaadanay oo isaguna ah habka madaxtooyada ama presidential system, oo aanu baarlamaanku kalsooni kala noqosho xukuumadda xilka kaga qaadi karin Guud ahaan xukuumadda oo dhan ama xubno ka mid ah.

Isla qodobka 53aad xubnaha 6aad iyo 7aad wuxuu ku xusayaa qaab wada shaqayneed oo ay wada yeelanayaan golaha wakiilada iyo golaha wasiirada xubnihiisa iyo waliba gudi hoosaadyada goluhu.

Xubinta 6aad waxay leedahay goluhu wuxuu awood u leeyahay in uu u yeedho xukuumadda, hay,adaheeda iyo wakaaladaheeda si wax looga weydiiyo gudashada xilkooda. xun inta 7aad waxay leedahay iyaduna, gudiyada golaha wakiiladu waxay awood u leeyihiin inay wasiir ama madaxda kale ee sarsare Qaranka ee hawshoodu khuseyso in ay wax ka weydiiyaan gudashada xilkooda.

Labada xubnood waa kala duwan yihiin tan hore waxaa awood u leh golaha wakiilada oo go,aansanaya in uu wasiir, wasiir ku xigeen ama madax kale oo Qaran ugu yeedho go,aan gole oo wax lagaga weydiinaya waajibaadkiisa.

Xubinta labaadna gudi hoosaadku waxay awood u leeyihiin in ay wasiir, wasiir ku xigeen ama madax hay,adeed wax ka weydiiyaan gudashada waajib kooda. Halkan lama odhan waa u yeedhi karaa gudigu wasiirka iyo madaxda kale.

Su,Aasha imanaysa ee la xidhiidha isla dastuurka Qodobkiisa 37aad xubinta 2aad waxay tahay hab ama  procedure ma u baahan tahay in loo maro yeedhmada wasiirka ama wasiir ku xigeenka ama madax kale marka loo yeedhayo. Haa waa u baahan tahay curfi ahaan iyo dastuur ahaanba waa lagu dhaqmay khilaafyo horena waa lagu xaliyey.

Wasiirku wuxuu ka tirsan yahay gole madax uu u yahay madaxweynaha oo Markan ah gudoomiyaha xukuumadda. Waxaa suuragal ah wasiirku xiliga loo yeedhay inuu hayo Xil waran oo ka mudan markaa hawsha loogu yeedhayo, sidaas darteedna waxaa waajib golaha shirgudoonkiisa ku ah marka goluhu go,aansado u yeedhista in uu qoraal ku salaysan go,aanka gole weynaha u gudbiyo madaxtooyada ogeysiinaya yeedhmada wasiirka kana codsanaya in saacadaas uu hor yimaado golaha.

Taasoo jawaabtu noqonayso in la soo diro oo u yimaado golaha hortiisa kana jawaabo wixii la weydiiyo oo ay tahay in loo sii sheego oo goluhu go,aamiyo waxa la weydiinayo. Ama in mudadaas xukuumada iyo wasiirku ka cudurdaartaan imaanshaha mudadaas kana codsadaan in wakhti kale looga dhigo, waa waajib oo

Ma diidi karaan xukuumadda iyo wasiirkuba yeedhmada dastuuriga ah.

Dastuurku waajib Kama dhigin in gudi hoosaadku u yeedhi karo oo golaha ugu yeedhi karaan wasiirka iyo madaxda kale waxase waajib ah in ay wasiirka iyo madaxda kale uga jawaabaan wixii ay gudi hoosaadku weydiiyaan. Muhiim maaha meesha lagu kulmayaa halka ay noqonayso, waxaad Wada shaqaynta wanaagsani ina faraysaa in ay isugu yimaadaan meel layska gartay oo ama golaha wakiilada ah ama xarunta wasaaraada ama hay,adda ah. Kaliya waa waajib ah in hawshii dastuuriga la wada fuliyo.

Waxaa kale oo markay sidaas tahay su,aashu noqonaysaa wax raad sharci ahi ma ka dhalanayaa go,aanka golaha wakiiladu sheegeen in ay xilka kaga qaaday wasiir. Jawaabtu waxay noqonaysaa xilkiisa wax samayn ah kuma yeelanayso, waxaana go,aankaas loo qaadanayaa sharci ahaan mid aan dhalan.

Xagga golaha wakiilada wuxuu ka noqonayaa mid dastuurka khilaafsan oo haddii gole weynaha shirgudoonku soo hor dhigay oo cod geliyey uu masuuliyadda jabinta dastuurka uu yeelanayo. Maxaa masuuliyad  ah oo ka dhalanaya waxaa loo taa ayaa xeer hoosaadka golaha oo laga rabo in ay ku cadahay.

Guud ahaan waxaan ka xumahay garyaqaano badan oo aan u hanweynaa oo fikradahooda ku soo gudbiyey media ha oo leh waxay aniga ila tahay, in wasiirku dastuurka jabiyey, waxay aniga ila tahay in goluhu saxan yahay, waxay aniga ila tahay…,,, iwm.

 Haddii dastuur laga hadlayo meesha waa ka baxday waxaan u malaynayaa ama aniga ila qurux badan.

Horay waa u dhacday xiligii Golaha Qaybe ilaahay ha u naxariistee hogaaminayey in xubno wasiiro ah kalsoonida goluhu kala noqday, taasina markii dastuurka lagu garnaqsaday ee gudiyo labada gole ah laysu saaray waa laga gar helay wakiilada, waxaana dib loo saxay wada shaqayntii.

Waxaan ugu dambeyn golaha u soo jeedinayaa in ay dastuurka iyo wada shaqaynta wanaagsan ilaaliyaan, xukuumaduna ixtiraamto dastuurka iyo wada shaqaynta golaha.

W/Q Maxamed Jaamac Cabdi oo ka tirsanaa Xildhibaannadii hore ee golaha wakiillada Somaliland

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this