Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Abiy iyo Farmaajo oo ka walaacsan in la jabsaday xogta wada-sheekeysigooda taleefon

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareed lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ay ka walaacsan yahay inay suurta-gal tahay in la jabsaday wada sheekeysi ku dhex-maray taleefonka.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in arrintan uu ka war helay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, kuna wargeliyey Farmaajo intii uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa, oo uu maanta kasoo laabtay.

Abiy ayaa rumeysan in muddo bilooyin ah ama sanado la helayey xogta wada-sheekeysi ee isaga iyo Farmaajo ku dhex-mareysay WhatsApp-ka.

Abiy ayaa lagu warramay inuu Farmaajo u sheegay in dhanka taleefonkiisa laga jabsaday xogta, ayada oo la tuhunsan yahay in arrintan uu ka dambeeyo dal Carbeed oo aan weli la shaacin.

Ilo-wareedyada Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegaya in jabsashada taleefonka Farmaajo loo adeegsaday softaware-ka Pegasus Spyware oo ay sameyso shirkadda NSO Group ee Israel, taasi oo horey madax badan oo caalamka ah iyo shakhsiyaad kale oo saameyn leh loogu adeegsaday.

Pegasus Spyware ayaa waxaa loo adeegsadaa in qofka la rabo in taleefonkiisa la dhexgalo loo diro sawir ama wax file wata virus, kaasi oo haddii uu click siiyo si rasmi ah loola wareegayo maamulka taleefonkiisa. 

Dhowaan ayaa wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq uu sheegay in Farmaajo uu diiday diyaarad militari oo gargaar siday oo ay Masar usoo diri laheyd Soomaaliya, isaga oo ka cabsi qabi inuu xumeeyo xiriirka Abiy Ahmed.

Hadalka wasiirka ayaa dhaliyey tuhun ku saabsan in laga yaabo in dalka xogta jabsaday uu noqon karo Masar, balse waxaa sidoo kale suurta-gal ah inay yihiin Imaaraadka Carabta ama Sacuudiga, oo horey caan ugu ahaa adeegsigda Pegasus Spyware.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in taleefonada la dhageysatay ay ku jiraan kuwa wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, balse ma cadda haddii uu yahay wasiirka hadda jooga Cabdisaciid Muuse ama kii ka horreeyey Maxamed Cabdirisaaq.

Sawirro lagu faafiyey baraha bulshada oo u muuqda in Abiy Ahmed uu canaanayo Farmaajo ayaa wararka qaar ay sheegayaan inuu ka careysnaa arrintan, balse lama xaqiijin karo. 

Haddii ay dhab noqoto arrintan waxay dalka haysta xogta u sahli kartaa inuu banaanka keeno sir badan oo u qarsoon Farmaajo iyo Abiy Ahmed.

Wixii kusoo kordha xogtan kala soco Caasimada Online.  

The post Xog: Abiy iyo Farmaajo oo ka walaacsan in la jabsaday xogta wada-sheekeysigooda taleefon appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this