Sign in to follow this  
Deeq A.

“Afduubka Iyo Qafaalashada Ay Maalmihii U Dambeeyey Ciidamo  Dharcad Ah Oo Lagu Sheegay Sirdoon Kula Kacayeen Dad Muwaadiniinta Ah…” Xisbiga WADDANI

Recommended Posts

Deeq A.   

“Afduubka iyo qafaalashada ay maalmihii u dambeeyey Ciidamo  dharcad ah oo lagu sheegay sirdoon kula kacayeen dad muwaadiniinta ah ee u badan weriyeyaasha iyo kuwa baraha Bulshada aragtiyahooda ku muujiyaa, waxa ay dhaawac weyn iyo ceeb ku tahay nidaamka dawladnimo ee dalka iyo waajibaadka shaqo ee Hay’addaha dawliga ah iyo ciidamada kala duwan mid walba qaabilsan tahay.

Ficilada noocan ah ee soo kordhay ee inta la garaaco, xooga lagaga kaxaysanayo dadka muwaadiniinta ah, iyaga oo ku sugan huteellada Magaalada Hargeysa, waa mid sawir xun ka bixinaysa Ciidamada iyo nidaamka dawladdeed ee Jamhuuriyadda Somaliland, waana tallaabo ku cusub waddanka oo u muuqata cago jugleyn, handadaad iyo car-juuqdhedii shacabka ka dagaalameen ee ay hore u diideen.

Ciidanka Sirdoonka ee falalka lagu eedaynayo maaha kuwo ay shaqadooda tahay in ay dadka afduubaan, oo si jajuub ah uga kaxaystaan dadka Muwaadiniinta suuqyada, iyaga oo aan dembi faraha kula jirin, oo weliba qaab handadaad ah lagu kaxaysto, ka dibna la iska soo daayo.

Ciidanka Sirdoonka sida uu xeerka ay ku aasaasan yihiin dhigayo xeer lambar 59/2012, meelna kagama taalo tallaabooyinkan iyo ficiladan ay qaadayaan Ciidankani, sida ku cad qodobka 7-aad ee waajibaadka iyo xilka ay qaranka u qaabilsan yihiin maaha kan ay ku dhaqmayaan, waa mid si cad u qeexan oo tilmaamaya in shaqadoodu tahay ururinta, xuuraamida, lafo gurida iyo hufida xogta ay hesho iyo weliba la socodka iyo dhaq dhaqaaqa Hay’addaha shisheeye iyo qodob kale oo la xidhiidha daba galka iyo ka caawinta Hay’addaha kale amniga.

Hay’addo kale oo amni ayuu qaranka u xil saaran xadhiga iyo baadhista wixii dembi ah ee muwaadinku galo, Hay’addaha Garsoorkuna iyaga awood u leh in ay xalaaleeyaan qofka eeddo loo haysto, balse in Hay’ad kale ay gacanta ku qaadato shaqo aanay lahayn, waa mid muujinaysa kala dambayn la’aan iyo Ciidamada oo aan isku ixtiraamayn shaqooyinka mid walba sharcigu siiyey.

Arrintani waa mid aanu Xisbi ahaan walaac ka muujinayno oo dadka muwaadiniinta ahna welwel iyo cabsi ku abuurtay in hadh cad iyaga oo nolol maalmeedkooda iska wata laga afduub Huteelada Magaalooyinka.

 Waxaanu ugu baaqaynaa Hay’addaha arrintan sugayso in ay deg deg wax uga qabtaan, bulshadana u caddeeyaan sababaha dhacdooyinkani u soo badanayaan.

W/Q Xoghayaha Caddaaladda ee Xisbiga WADDANI Yoonis Axmed Yoonis

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this