Sign in to follow this  
Deeq A.

Xulka Qaranka Senegal Oo Markii Ugu Horeysay Taariikhda Ku Guuleystay Koobka Qarammada Qaaradda Afrika… + SAWIRRO

Recommended Posts

Deeq A.   

Xulka qaranka Senegal ayaa markii ugu horreysay ku guuleystay Koobka qarammada qaaradda Afrika ee AFCON 2021 kaddib markii ayguul ka gaareen dhigooda Egypt.

Kulan la isku daalay oo wakhti dheeri ah la aaday ayaa 120 daqiiqo ku dhammaaday barbardhac 0-0 ah, waxaana labada xul lagu kala saaray rigooreyaal, iyadoo 4-2 gool ku laadyo ah ay ku adkaadeen xulka Senegal.

Qeybta hore ee ciyaarta ayey labada xul qaran ee Senegal iyo Egypt ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah, inkastoo xulka Senegal uu iska lumiyey fursad uu hoggaanka ciyaarta ku qaban karay, waxaana rigoore ka khasaariyey kabtankooda Sadio Mane.

90-kii daqiiqo ee loogu talagalay ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay barbardhac 1-1 ah ay isku mari waayeen labada xul qaran ee Senegal iyo Egypt, waxaana lagu daray 30 daqiiqo dheeri ah.

Yeelkeede, 30-kii daqiiqo ee dheeriga ahaa oo lagu daray ciyaarta ayaysan labada xul la imaan gool, waxaana 120 daqiiqo uu kulanka final-ka ah uu ku dhammaaday goolal la’aan.

Ugu dambeyntii xulka qaranka Senegal ayaa ku adkaaday rigoorayaal 4-2 ah, waxayna ay sidaaasi ugu guuleysteen Koobka qarammada Afrika markoodii ugu horreysay taariikhda.

SAWIRRO:

FK8pcNRXIAAU219-scaled.jpg

FK8mKQtWYAQIN9L.jpg FK8mKQuWUAIrD04.jpg FK8mKQuXsBEVbKn.jpg FK8mQQPXMAImcje.jpg FK8fvK6XMAQrssb-scaled.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this