Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Khilaafaadka oo Wafdi u Diray Baraawe

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada dadban Mudane Maxamed Ibrahim Barre ayaa saakay safar shaqo u aaday magaalada Baraawe ee Dowlad Goboleedka Konfurgalbeed.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 3 xubnood ayaa goobjoog waxay ka noqon doonaan doorashada Golaha Shacabka BFS ee ka dhici doonta Magaalada Baraawe.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka waxaa uu marwalba diyaar u yahay ka garnaqida Khilaafaadka Doorashada Dadban ee golaha shacabka BFS.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this