Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudiga doorashada gobollada waqooyi oo shaaciyay jadwalka doorashada shan kursi

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Somaliland ayaa shaaciyay jadwalka Shan kamid ah kuraasta degaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi, kuwaas oo lagu dooranayo Magaalada Muqdisho.

Kuraasta Jadwalkooda la shaaciyay ayaa kamid ah kuraas horay guddiga ay u shaaciyeen in doorashadooda la qabanayo, waxaana ay kala yihiin.

1. Hop#240 oo ay hadda ku fadhiso Suri Diiriye Carab.

2. Hop#241 oo uu ku fadhiyo Cabdirisaaq Daahir Maxamed.

3. Hop#263 oo uu ku fadhiyay dhowrkii sano ee la soo dhaafay Muuse Saciid Jaamac

4. Hop#271 oo hadda uu ku fadhiyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye

5. Hop#205  oo ay ku fadhiso Sahro Cabduqaadir Cabdiraxmaan.

Doorashada Shantaan Kursi ayaa guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi ay sheegeen inay dhaceyso 10-ka Bishaan, isla markaana diwaangelinta Musharrixinta la soo geba-gabeyn doobo 9-ka Bishaan.

3-4.jpg?resize=720%2C937&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Gudiga doorashada gobollada waqooyi oo shaaciyay jadwalka doorashada shan kursi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this