Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waa In Doorashooyinku Ay Qabsoomaan Sida Ay U Kala Horeeyaana Ay U Kala Horqabsoomaan…” Cali Guray

Recommended Posts

Deeq A.   

WAAGAA DHARAAR NOQON

Mawqifka mucaaridku sida dharaarta  ayuu u cad yahay wax madmadow ahina kuma jiro ee waa; in doorashooyinku ay qabsoomaan sida ay u kala horeeyaana ay u kala horqabsoomaan xiliyadooda. Balse mawqifka madaxwaynaha ayaa la moodaa in uu gudcur galay. Wuxu ka qabo doorashooyinkii ummadda uu u balanqaaday in ay wakhtiyadooda ku qabsoomi doonaan ee uu ku celceliyay hadda waxa la isku hayaa ma runtii bay ahayd mise beentii wixii uu dadka u sheegayay? Kolay labada doorasho ee dastuuriga ah labadaba isaga ayaa horjooga. Diiwaangelintii codbixiyaha oo bisha January komishanku bilaabi lahaa isagu in uu ku dhawaaqo ayay u taagan tahay. Xeerkii Doorashada Guurtida oo hore uu u balanqaaday in January uu Xeerdejinta u gudbin doono lagama hayo ilaa hadda, in uu soo wadana uma eka. Waxay u eg tahay in labada doorasho ee dastuuriga ahba uu isagu gacantiisa ku dilayo oo midina aanay qabsoomi doonin.

Ta ururada lafteeda caqabado dhinaca xeerka iyo wakhtiga ah ayaa jira oo hadii aan la xallin aanay iyaduna qabsoomi karin.

Hadaba waxaynu og nahay ahmiyadda xiligan qabsoomidda doorashooyinku u leeyihiin Somaliland balse waxa nasiib darro ah hadii Madaxwayne Muuse muraad yar oo isaga u gaar ahi kala waynaado danta ummadda uu Madaxwaynaha u yahay. Wax u qarsoonaan karaana ma jirto ee waagaa dharaar noqon.

W/Q Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this