Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waa Sharci Darro…” Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Oo Ka Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Wasiirro Ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in aanay sharci ahayn hadal ka soo yeedhay Wasiirro iyo Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan oo sheegay inuu dhaqan gal yahay caymisku.

 Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif oo fadhigii Golaha Wakiillada ka hadlayey, ayaa xusay in hadalkaasi uu sharci darro yahay oo aanay Wasiirradaas iyo masuuliyiinta kale waxba jidaynin ee sharci wax jideeyo, xeerka Caymiskuna horyaallo Golaha Wakiillada oo iyagu awood ku leh go’aan ka gaadhistiisa.

Guddoomoiyaha golaha Wakiillada oo ka hadlayey arrintan waxa uu yidhi ‘Xildhibaan ayaa ila wadaagayey shirkii maalintii dhawayd la qabtay ee Shirkaddaha Caymiska in Wasiirradii iyo Xildhibaannadii ka qayb galay ay sheegeen in maanta laga bilaabo waan maalintii ay hadleen ay dhaqan gal tahay, lana fulinayo Caymiska, taasi waa sharci darro, cidda wax jidaynaysaa iyaga maaha, sharcina ma jidayn karaan, dhaqaale aan la jidayna ma qaadi karaan. Waana sharci darro haddii ay tahay sidaasi Xildhibaannadu ila wadaageen, anigu ma dhegeysan laakiin Mudaneyaal saddex Xildhibaan ka badan ayaa ila wadaagay. Waxaan jecelahay oo aan Waxaan leeyahay arrintaas caymisku innaga (Golaha Wakiillada) ayey sugaysaa oo hor taallaa” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu, Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this