Sign in to follow this  
Deeq A.

Baraawe iyo Koonfur Galbeed: 13 Kursi oo la dooran doono

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga doorashooyinka dadban ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay shaaciyeen doorashada iyo habraaca 13 kursi kuwaas oo  kamid ah golaha shacabka Baarlamaaka 11-aad dowladda federalka ah ee Soomaaliya oo maraya heer gabagabo ah, maadama xildhibaannadii ugu badnaa lagu soo doortay magaalada Baydhabo.

Doorashada kuraastaan ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose oo ah magaalada labaad ee loo asteeyey doorashada golaha shacabka ee xildhibaannada laga soo dooranaayo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Guddiga ayaa waxaa uu shaaciyey  in doorashada 13 kursi ay qabdoonto 8 bishaan aan ku jirno.

 

                                                     Halkaan Ka Akhriso habraaca

FB_IMG_1643975702319.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this