Deeq A. Posted February 4, 2022 Guddiga doorashooyinka dadban ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay shaaciyeen doorashada iyo habraaca 13 kursi kuwaas oo kamid ah golaha shacabka Baarlamaaka 11-aad dowladda federalka ah ee Soomaaliya oo maraya heer gabagabo ah, maadama xildhibaannadii ugu badnaa lagu soo doortay magaalada Baydhabo. Doorashada kuraastaan ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose oo ah magaalada labaad ee loo asteeyey doorashada golaha shacabka ee xildhibaannada laga soo dooranaayo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Guddiga ayaa waxaa uu shaaciyey in doorashada 13 kursi ay qabdoonto 8 bishaan aan ku jirno. Halkaan Ka Akhriso habraaca Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites