Sign in to follow this  
Deeq A.

Xirsi Bulxan oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   
2d4d5tj.jpg?resize=640%2C510&ssl=1

Alla ha’unaxariisto waxaa caawa dalka Sweden ku geeriyooday Xirsi Bulxan Faarax oo xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya laga soo billaabo 1968-tii illaa 2012.

Xirsi Bulxan Faarax, ayaa ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Soomaaliyeed, 1968-dii wuxuu noqday xildhibaan laga soo doorto degmada Eyl, isagoo noqday Wasiirkii Xanaanada Xoolaha, aragtidiisa siyaasadeed ayaa dhowr jeer loo xiray, wuxuuna burburkii kadib ka mid ahaa asaasayaashii Puntland.

2004 markii la dhisayay dowladda federaalka Soomaaliya wuxuu guddoomiyey kulankii ugu horreeyey ee Baarlamaankii Soomaaliya ee xilligaasi, maadaama uu ahaa xildhibaankii ugu da’weynaa muddadaasi iyo wixii ka danbeeyay wuxuu ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya illaa 2012.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan dalka Kenya, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Xirsi Bulxan Faarax.

“Alla ha’unaxariisto Xirsi Bulxan Faarax wuxuu ahaa shakhsi ku weyn dadka Soomaaliyeed oo wakhti badan geliyay dhismaha dowladdnimada Soomaaliyeed. Waxaan geeridiisa uga tacsiyadeeynayaa Shacabka Soomaaliyeed, eheladii, qoyskii iyo asxaabtiisii, isagana waxaan Alle uga baryayaa inuu janadii geeyo” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

PUNTLAND POST

The post Xirsi Bulxan oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this