Deeq A. Posted February 2, 2022 SIXITAAN KHALAD Maqaalka- WAA MAXAY DANTA JABUUTI? oon la xidhiidhiyey qof aan lahayn Salaanta islaamka ka dib, waxaan cudur-daar ka bixinayaa maqaalka cinwaankiisu hoosta ku yaalo, oo xalay aan sifo khalad ah ula xidhiidhiyey inuu qoray Safiir Aadan Muse Jibriil. Maqaalka oo sida laga fahmi karo ku yimi xogo warbaahino kala duwan ka qoreen mowduuca dooda oo la uruuriyey, isla markaana baddi bulshada af soomaaliga ku hadasha si u heleen ama lala wadaagay, ayaa Safiir Aadan, iigu soo diray ogaansho ahaan, balse, culays dhinaca diyaarintii wararka wargeyska DAWAN ee Arbacadii awgeed, markuu I soo gaadhay waxaan u qaatay maqaal uu qoray, ama uruuriyey, intaan degdeg isha u mariyey, ka dibna, sidaa ula wadaagan warbaahinta intaan magaciisa raaciyey. Daacadi ma hungowdo’ ayaa hore loo yidhe, markuu I weydiiyey sababta aan magaciisa ugu qoray, Walaahi, niyadaan ka naxay, laakiin, Ilaahay SW niyadayda wuu ogaa inaanan xumaan ula jeedine, waan ka raaligeliyey, una ballanqaaday inaan ku wargelin doono bulshadii aan la wadaagay khaladka dhacay. waxaan ka dalbanayaa cid kasta, ama dal kasta oo si u saameeyey, ama dalka aanu walaalaha nahay ee Jabuuti, inay iga raali ahaadaan, wax xumaan ahna ulama jeedin, isla markaana Safiir Adan M Jibril, aanu wax khalad ah ku lahayn, hadii cid loo raacayo annigaa qoorta dhiganaya, laakiin xumaan ugama jeedin. Waxaan ka dalbanayaa Warbaahin kasta oo sii baahisay inay raaciyaan sixitaankan, ama ka saaraan degelkooda, hadii ay awoodaan, taasoo abaal ugu hayn doono qof kasta, Ilaahay SW aan ka baryayo inuu igu simo guditaankeeda. Walaalayaal, bani’aadamku khalad wuu ka dhacaa, laakiin, qirashadiisa iyo ka noqoshadiisu waa sharaf, Ilaahay dariiqa Xaqa innaga, waalidiinteen iyo ummada islaamka dhamaantood ha waafajiyee, aamin. WAA MAXAY DANTA JABUUTI? Joornaalada Itoobiya, sida Addis Herald, Addis Tribune, Addis Zemen iyo joornaalada ku qoran Afka- Axmaarka, ayaa waxa ay ka faaloodeen socdaalka Wasiirka Arimaha Dibada iyo Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland ay ku tageen Djibouti. Kibir fogaaday ka dib, Djibouti waa ay soo toostay,laakiin waxa taagan laba dhibaato. Labada dhibaato ayaa ah, Eritrea oo si is dabajoog ah dhoolatus uga samaysa xadka ay la leedahay Djibouti, iyo Canfarta Itoobiya oo bilaabay is gaashaanbuuraysi loo bixiyey ( Greater Anfar ) ama ( Canfar Weyne ). Canfar Weyne waa mabda ay ku doonayàan in ay ku mideeyaan Canfarta Eritrea, Itoobiya iyo Djibouti, isla markaana ay gacanta ku dhigaan talada Jamhuuriyada Djibouti. Khatartan ayaa waxa ay madaxweynaha Djibouti, Ismael Omer Guelleh, soo xasuusisey codsi uu u dirtay Madaxweyne Hassan Aptidon Somaliland, markaas oo ciidamo isugu jira Somaliland iyo Djibouti ay 1992, ka saareen maleeshiyada Canfarta, magaalooyinka Assa Gueyla, Balho, Dora iyo Randa oo ku yaala dhinaca Tadjourah ee waqooyiga Djibouti. Jabhada FRUD, oo hub badan ka helay askartii ka cararaysay jabhada TPLF, May 1991, ayaa qorshahooda uu ahaa in ay xoog xukunka kaga ridaan Madaxweyne Hassan Aptidon, waxana taas ay keentay in Madaxweyne Aptidon uu ka khudbadeeyo Baarlamaanka Djibouti, February 10,1992, isaga oo ku balanqaaday in Isaaq, Gadabgursi iyo Arab ay xisbiyo Dimuqraadi ah ka furan doonaan Djibouti. Dagaalka jabhada Canfarta FRUD ay ku hayeen Djibouti, waxa uu sababay in Madaxweyne Hassan Guled uu isku shaandhayn ku sameeyo golahiisa wasiirada February 4,1993, markaas oo uu 8 wasaaradood uu siiyey Ciisaha, 7 wasaaradood oo uu ku jiro ra’iisal wasaaraha uu siiyey Canfarta, halka wasaaradaha soo hadhay ay qaybsadeen Arab, Isaaq iyo Gadaguursi. August 26,1992, ayaa waxa is casilay Helaf, Orbis Ali, oo ahaa Wasiirka Shaqaalaha Djibouti.Helaf Ali, waxa uu ku eedeeyey Madaxweynaha Djibouti, Hassan Aptidon, in uu siinayo waraaqaha dhalashada Djibouti, dadka Isaaqa ah ee degan Somaliland, si loo yareeyo tirada dadka Canfarta. February 22,1994, Madaxweyne Iggal ayaa waxa uu diiday in ciidamadiisa ay la dagaalamayaan FRUD, ka dib markii Madaxa Shaqaalaha Jabhadda FRUD, oo lagu magacaabo Ougoureh Kifle Ahmed, uu ku eedeeyey Somaliland in ay caawinayaan ciidamada Djibouti.Isla markaas ayaa jabhada FRUD, xoog looga saaray dhul badan oo ay hore u haysteen. Qalalaasaha bilowgii 1990, oo u muuqda mid soo noqon kara 2022, ayaa waxa ay sababtay casuumad uu Madaxweynaha Djibouti Ismael Omer Gueleh u fidiyey laamaha kala duwan ee xukuumada Somaliland, sida Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland iyo Wasaarada Arimaha Dibadda. Wariyaha caanka ah ee France 24, Adolphe Amouroux,ayaa sheegay in casuumada ay Djibouti u fidisay madaxda Somaliland ay timid ka dib markii warbaahinta Geeska Afrika ay sii daayeen soo dhaweyn aad u saraysa oo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo golahiisa wasiirada ay ku qaabileen Madaxweynaha Somaliland, Muse Bihi Sida uu sheegay Adolphe Amouroux,Djibouti waxa ay doonaysaa heshiis daacad ah, heshiiskaas oo ku salaysan ganacsiga iyo ilaalinta amaanka in ay la gasho Somaliland, si garab loogu helo khataraha ka imanaya Canfarta iyo Eritrea. Mohamoud Ali Walaaleye Shabakada qarannews, marna kama masuul aha fikradaha iyo araarta ay dadweynahu is dhaafsanayaan, waxa aanu aqbalnay in aanu maqaalkii hore ee la na soo gaadhsiiyay aanu ku badalno kan saxda ah ee uu qorahu hada naga codsaday Qaran News Share this post Link to post Share on other sites