Deeq A. Posted February 2, 2022 Waxaa magaalada Garowe ee caasimadda dowlad gobaleedka Puntland maanta ka dhaceyso doorashaa lix kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland. Kuraasta la dooranayo ayaa waxa ay kala yihiin kuraasta tirsigoodu yahay HOP#192, HOP#94, HOP#14, HOP#121, HOP#174 iyo HOP# 75. Yaa ku fadhiyay? Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay kuraastaan ku fadhiyay xildhibaanada kala ah:- HOP#192: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Saciido Maxamed Xasan. HOP#094: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Axmed Ismaaciil Shabeel. HOP#014: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Sacdiya Careys Ciise. HOP#121: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Canab Xasan Cilmi. HOP#174: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Burhaan Aadan Cumar. HOP#075: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Ikraan Yuusuf Xirsi. Yaa u tartamaya? Waxaa hadda u tartamaya kuraastaan musharixiinta kala ah:- HOP#14: Kursigaan Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah Cabdirisaaq Axmed Xuseen iyo Daa’uud Cabdikariin Sheekh Cumar. HOP# 75: Kursigaan Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah Axmed Cabdiraxmaan Cilmi iyo Cabdiqani Maxamuud Maxamed . HOP#94: Kursigaan Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah Fardus Maxamed Aadan iyo Sahra Cabdullaahi Cigaal. HOP#192: Kursigaan Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah Ruweyda Maxamuud Maxamed iyo Maxamed Faarax Nuur HOP#121: Kursigaan Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah Nimco Cumar iyo Farxiya Yuusuf Cumar HOP#174: Kursigaan Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah Leylo Cabdi Faarax iyo Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites