Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: War wanaagsan ayaan ka soo saaraynaa arrinta Gaaska cuntada

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi oo qoraal kooban la wadaagay dadweynaha ayaa shaaciyay in dowladdu war ka soo saari doonto qiimaha kororka la sheegay in uu ku yimid sicirka Gaaska cuntada.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladdu baaritaan ku samaysay cabashooyinka la xiriira qiima kororka Gaaska cuntada ee maalmahan ka socda baraha bulshada islamarkaana war wanaagsan laga soo saari doono.

Maalmahan waxaa socday cabashooyin la xiriira qiimaha gaska cuntada. Waxaanu samynay baaritaano. Waxaana soo bixi doona war bixino wanaagsan ay soo saarayaan wasaaradaha u xilsaan arinta gaska” ayuu yiri Wasiirka.

Wasaaradda Ganacsiga Puntland ayaa horay u beenisay in wax qiima koror ah ku yimid sicirka lagu iibsado Gaaska cuntada kadib cabashooyin laga muujiyay.

PUNTLAND POST

The post Puntland: War wanaagsan ayaan ka soo saaraynaa arrinta Gaaska cuntada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this