Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubin u sharraxan doorashada Golaha Shacabka oo Garoowe lagu dhaawacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxamed Faarax Nuux oo u sharraxan kursiga Hop#192 ee Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dhaawac fudud ka soo gaaray rasaas lagu riday gaarigiisa.

Laba qof oo kale ayaa iyana ku dhaawacmay rasaasta waxaana dhaawacyadooda lagu dabiibayaa isbitaalka Qaran ee magaalada Garoowe sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen mas’uuliyiinta isbitaalka.

Dhacdadan ayaa sida la sheegay la xiriirta muran ka dhashay tartanka kursiga Hop#192 oo kamid ah kuraasta Golaha shacabka ee laga soo doorto Gobolka Nugaal.

Waxa xusid mudan in kursigaas kamid yahay lix kursi oo lagu waday in maalinta berriya Garoowe lagu doorto sida ay horay u sheegeen guddiga hirgelinta doorashada heer Puntland.

PUNTLAND POST

The post Xubin u sharraxan doorashada Golaha Shacabka oo Garoowe lagu dhaawacay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this