Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog Cusub: Madaxweyne Muuse Biixi Miyuu La Meeraysanayaa Saaxiibkiisa Siyaasadda Maxamed Kaahin??

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ayaa u muuqda inuu kolba dhinac kaga imanayo saaxiibkiisa siyaasadda ay muddada dheer rafiiqa ay ku ahaayeen oo muddooyinkii u dambeeyey duruufaha siyaasaddeed ee guddaha Dalka ee haystay Xukuumaddoodu iyo ta Xisbigoodu kala fogeysay.

Maxamed Kaahin Axmed, oo ah Wasiirka Arrimaha Guddaha, ahna Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye, oo isu arkayey inuu yahay ninka xilka Guddoomiyenimo ka dhaxlaya Guddoomiyaha imika ee Kulmiye Muuse Biixi ka hor intii aanay xisaabo badan oo uu isku geystay aanay beddelin  xaaladda siyaasaddeed ee dalku , ayaa mar kale muddo gaaban guddaheeda loo arkaa in madaxweynuhu si dadban ugu cadaadinayo inuu ka tanaasulo doonistiisa Guddoomiyaha Kulmiye, isaga oo adeegsanaya jid dublamaasiyaddeed oo aanay isaga iyo saaxiibkii si fool-ka-fool ah isla badheedhaan arrimahan qaarkood.

Dabayaaqadii sannadkii hore ayaa waxa soo shaac baxay loollan adag uu u dhexeeyey Wasiir Maxamed Kaahin iyo Wasiir Xasan Gaafaadhi, kuwaasoo ka sanqadhiyey damacooda Guddoomiyenimada Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi dabadii, waxaana loollan labadan masuul dibedda u soo saaray in  madaxweynuhu dhabarka soo taabtay Xasan Gaafaadhi, maadaama uu Gaafaadhi laftiisu warbaahinta u sheegay in uu Madaxweynaha u sheegay oo uu ogyahay damaciisa KULMIYE.

Xasan Gaafaadhi, oo taageero ka helaya Xubno Golaha Wasiirrada Xukuumadda ka tirsan, ayaa bilaabay loollan adag oo uu taageero loogu muujinayey hankiisa, iyada oo warbaahinta dawladdana laga baahiyey.

Sababtii u weynayd ee Xasan Gaafaadhi u soo galay hirdanka Kulmiye, ayaa dadka u dhuundaloola siyaasadda Kulmiye ku tilmaameen in Madaxweyne Muuse Biixi uu culays kaga imanayey Maxamed Kaahin iskaga dejinayey, kaas oo la xidhiidha in Madaxweynuhu soo wareejiyo Murrashaxnimada iyo Guddoomiyaha.

Markale, waxa soo baxaya warar kale oo la xidhiidha weji cusub oo ah xeelad Mujaahidka dhinacyo badan wax laga tusayo, tan oo muddo soo jiitamaysay isla markaana kolba heer soo maraysay.

Xeeladan cusub oo ujeeddadeedu tahay marka hore is-laab-xaadhasho laga soo bilaabay siyaasiyiinta ay Maxamed Kaahin isku deegaanka yihiin oo uu u horreeyo Siyaasiga Maxamuud Xaashi oo isagu tab iyo xeelad dhawr kii sanno ee u dambeeyey ku raadinayey sidii uu u heli lahaa fursad uu ku noqdo Guddoomiye Xisbi, ayaa waxa qorshaha la isugu keenay Maxamuud Xaashi iyo Maxamed Kaahin, si xanaftii iyo kala fogaantii siyaasaddu keentay meesha looga saaro.

Qorshahan, ayaa la sheegay inuu badhitaarayo Madaxweyne Biixi iyo siyaasiyiin iyo Xildhibaanno Deegaankiis, kuwaas oo doonaya Maxamuud Xaashi oo hore looga saaray Kulmiye in dib loogu soo celiyo, isla markaana xilka Guddoomiyaha Xisbiga lala raadiyo, iyada oo laga shaqaynayo caqabadaha iyo qodxaha horyaala laga qaado.

Caqabadaha horyaala Maxamuud Xaashi ayaa dadka qorshahan soo laabashadii ka shaqaynayaa u arkaan in ay tahay ta u weyni Maxamed Kaahin Axmed oo ah Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Kulmiye, isla markaana doonaya xilka Guddoomiyaha, la helo cid la soo qaada inuu Maxamuud Xaashi u tanaasulo, maadaama oo Madaxweyne Biixi ka maquuranayo in loo arko in ay xagiisa ka timid, waxa hawshan loo xil saaray Masuuliyiin iyo Siyaasiyiin ay isku deegaan yihiin.

Masuuliyiintan iyo siyaasiyiintan ayaa kulankii u horreeyey isugu keenay Maxamuud Xaashi iyo Maxamed Kaahin, kuwaas oo sida la sheegay iska laab-xaadhay xurguftii hore ee siyaasaddeed, iyada oo loo ballamay kulamo kale.

Kulamadan kale ee loo ballamay, ayaa la filayaa in lagu guddo galo soo laabashada Xaashi iyo qaabka Kaahin loogu dhigi karo inuu Maxamuud Xaashi u tanaasulo, taasoo aan la garanayn mowqifka uu ka qaadan doono Mujaahid Maxamed Kaahin iyo haddii uu diido Maxamuud Xaashi laftiisu qaabka uu u maaran doono mustaqabalkiisa siyaasaddeed.

Si kastaba ha ahaatee, marka dhinacyo badan laga eego arrintan, ayaa u muuqata mid la doonayo in qaab hoose lagu dhameeyo, iyada oo Madaxweyne Biixi-na  doonaya in ay toos isugu dhicin Saaxiibkii Maxamed Kaahin, balse taasi beddel laga dhigo mid deegaankiisa ka timid.

Saleebaan Saxansaxo

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this