Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalka Maraykanka oo Meeqaam sare & Xulufo weyn u aqoonsaday dalka Qatar+Sababta 

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalka Maraykanka oo Meeqaam sare & Xulufo weyn u aqoonsaday dalka Qatar+Sababta

Madaxwayne Biden iyo amiirka dalka Qatar Tamim bin Hamad
Madaxwayne Biden iyo amiirka dalka Qatar Tamim bin Hamad

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in maamulkiisu uu doonayo in uu u aqoonsado dowladda Qatar meeqaamka dal “Xulafo weyn la ah oo ka baxsan NATO “, taasoo u ogolaaneysa in uu xiriir milateri iyo mid ganacsi oo ballaaran uu dhex maro labada dal.

Biden ayaa si cad u sheegay xilli uu Aqalka Cad wadahadalo kula yeeshay Amiirka Qatar Tamim bin Hamad in tallaabadan ay tahay mid muddo dheer la soo daahay.

Biden ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wadahadleen arrimaha amniga bariga dhexe, tamarta caalamka iyo taageerada Afghanistan.

Amiirka Qatar ayaa ku tilmaamay wadahadalka uu la yeeshay Biden inuu ahaa mid miro dhal ah, isagoo xusay inay ka wada hadleen horumarka gobolka iyo kan guud ahaancaalamiga ah.

Labada hogaamiye waxay isla so qaadeen heshiis aad u ballaaran oo shirkadda Qatar Airways ay ku iibsanayso diyaarada Boeing 777X ku dhawaad ​​20 bilyan oo doolar.

Qiimaha saamiyada shirkadda Boeing ayaa sare u kacay 5 boqolkiiba ka dib markii lagu dhawaaqay heshiiska.

 

Mareykanka ayaa waxaa uu dalka Qatar ku leeyahay saldhig wayn oo ay ciidamadiisa ka hwogalaan.

Saldhigan ayaa muhiim u ah howglada Mareykanka uu ka fulinayo gobolka bariga dhexe.

Dalka Qatar ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah dalalka ugu galaangalka badan caalamka muddooyiinkii u dambeeyay.

Dalkan qaniga ku ah Gaaska dabiiciga ah ayaa waxaa uu gacan ka geystay heshiiskii uu Mareykanka uga baxay dalka Afqaanistaan.

Dalalka Qatar iyo Mareykanka ayaa muddo dheer ahaa saaxibo aad isugu dhaw islamarkana iska kaashada arrimo badan

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this