Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay War-saxaafaddeed Ay Soo Saareen Dalalka Somaliland Ka Taageera Doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay qoraal ay soo saareen Waddamada Somaliland ka taageera doorashooyinka, oo baaq ay soo saareen axsaabta siyaasadda Somaliland usoo jeediyay in ay xal ka gaadhaan khilaafka doorashooyinka, isla markaana hadda la bilaabo diwaangalinta codbixiyayaasha.

Guddoomiye Xirsi ayaa qoraal kooban soo saaray waxa uu ku yidhi sida tan:

“Xisbiga Waddani wuxuu waafaqsan yahay soona dhaweynayaa bayaanka ay soo saareen saaxiibbada Somaliland ee ku saabsan geeddisocodka doorashooyinka iyo guud ahaan horumarinta dumuqraadiyadda Somaliland.

Sida ku cad warqadda wadajirka ah ee Xisbiyada mucaaridku u direen Madaxweynaha 24kii January, 2022, waxa aannu aamminsannahay in hadda la joogo wakhtigii la dejin lahaa khariidadda doorashada Madaxtooyada ee 13ka November, 2022 iyo doorashooyinka kale ee muddaysan, iyada oo laga dheeraanayo inuu yimaaddo khilaaf sharci iyo Jaahwareer siyaasadeed.”

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali X Xasan

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this