Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Ma Dhabbaa In Siyaasi Maxamuud Xaashi Uu Dib Ugu Noqonayo KULMIYE??

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi oo hore looga saaray Xisbiga KULMIYE, isla markaana wadda haddalo aan guulaysan la furay Xisbiga WADDANI ayaa hadda la sheegay in Xisbiga KULMIYE uu wadda xaajood la furay, isla markaana ay kulamo la yeesheen madax-da KULMIYE qaarkood iyo weliba Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee Beesha Subeer Awal.

Xoggo soo baxaya ayaa sheegaya in siyaasi Maxamuud Xaashi iyo Madaxweyne Biixi ay intii hore isaga soo dhawadeen, isla markaana Maxamuud Xaashi xubno ergooyin ah oo uu u diray Madaxweyne  Biixi waxa la sheegay  in lagu qanciyey in Xisbigii uu tacabka soo geliyey in aannu ka maar-min, isla markaana sadka uu ku qancayo lagga siin doonno Xisbiga,waxaana la sheegay in xubnaha ergada Beesha Subeer Awal ee la sheegay in ay la kulmeen ina Xaashi in ay is afgarad ka gaadheen arrimaha ay ka wadda hadleen oo ay ugu mihiimsan tahay mustaqbalka Xisbiga KULMIYE.

Waxa kale wararku ay sheegeen in qorshaha ay Xukuumadda KULMIYE ay dib ugu soo xeregelinayso Maxamuud Xaashi inuu yahay in ugu horeyn wixii uu tirsanayey lagga xaal-marrinayo iyo qorshaha labaad oo ah in Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE lagga dhigayo oo kursigaas laggu dhisayo.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Macdanta Jaamac Maxamuud Cigaal oo kamid ah saraakiisha Xisbiga KULMIYE oo arrintaas wax lagga weydiiyey ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo in Xisbiga KULMIYE uu raggiisa ka daba taggo,”Arrintaa sida aad u maqashay ayaan u maqlay lakiin  wax hubaal ah oo aan ka war hayaa ma jiro ,haddii ay jirto waan soo dhaweynayaa waa nin weyn oo Xisbiga ahaa  bila’aadanku waa is qabtaa  waxa darran xadhka goynta iyo in la isku gooyo ayaa darrane dadku wuu is raajacsadaa oo wuu wadda hadlaa oo waa lagga bogsadaa khilaaf kasta oo ku yimaada,arrinkaas in uu bilaabmo oo la soo dhaweeyo aad iyo aad ayaan u soo dhaweynayaa ,Xisbigu iyo raggiisii inuu dib isugu soo noqdo oo uu isku caqli celiyo  aad iyo aad ayaan u soo dhaweynayaa waa sida aan ku sheegaye waa dhaqankii  KULMIYE iyo Somaliland “ayuu yidhi Jaamac.

Geesta kalena Jaamac oo la weydiiyey in sida Maxamed Kaahin looggu qancin karro in Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE lagga dhiggo Maxamuud Xaashi ayaa sheegay in arrintaas ay fududahay “taas xal siyaasi ah oo waa loo helayaa ka uu doonno ha noqdee..”ayuu yidhi Ex Wasiir Jaamac Maxamuud.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this