Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Danjiraha QM ee Soomaaliya oo dacweeyey wiil uu dhalay Eng. Yariisow

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah, Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle) ayaa dacwad ka gudbiyay Wiil uu dhalay guddoomiyihii la dilay ee gobolka Banaadir AUN Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

Wiilkaas oo lagu magacaabo Maxamed Cabdirahman Cumar Yariisow ayaa hadda ah xoghayaha koowaad ee ergada Soomaaliya ee New York.

Khilaafka Danjire Abuukar Baalle iyo Diblomaasi Maxamed Eng. Yariisow ayaa ka soo bilaawday shir uu dhowaan ka qeyb galay Maxamed Cabdiraxmaan.

Maxamed ayaa la sheegay marar badan uu galay qaladaad xaga diblomaasiyadda ah, taas oo digniino kala duwan laga siiyey, balse ay waxaba iska bedeli waayeen hab-dhaqankiisa diblomaasiyadeed.

Abuukar Baalle ayaa la sheegay in Maxamed uu ku dacweeyay madaxda sare ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, isagoo u sheegay in aysan wada shaqeyn karin.

Sidaan oo kale ayey mar isugu dhaceen Abuukar Baalle iyo Maxamed Cabdiraxmaan Yariisow, in kastoo khilaafkaas la xaliyey bar dambe oo xogtiisu ay banaanka u baxday.

Xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ayaan ka soo xiganeynaa in la qorsheynayo in Maxamed Cabdiraxmaan Yariisow loo wareejiyo magaalooyinka Washington ama Geneva, midkood, maadaama Danjiraha QM Abuukar Baalle uu dalbaday in laga bedelo.

The post Xog: Danjiraha QM ee Soomaaliya oo dacweeyey wiil uu dhalay Eng. Yariisow appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this