nuune Posted September 22, 2003 waxaa fiicnaan laheed inaan halkan ku soo gogol dhigno wax allaala wixii maah maah ah,maah maah oo dhanna ma ahan,waa maah maahooyinka saddex saddexda u socda ama sadexaalaha ah,hadii aad wax ka haysid nagu soo tuur, aniga ayaa billaabaya,waana kuwan: Saddex lalama colloobo 1.nin cagtaada yaqaan 2.nin codkaaga yaqaan 3.iyo nin ciddaada yaqaan Dadku waa saddex ku cirroole 1.minjo ku cirroole 2.madax ku cirroole 3.iyo maan ku cirroole Saddex ayaa horumar lagu gaaraa 1.hadal yar 2.hawl badan 3.iyo hogaan wanagsan Qofku wuxuu maraa saddex heer 1.mar uu afar ku socdo 2.mar uu laba ku socdo 3.iyo mar uu saddex ku socdo hadda bal intaas cantoobso,bal haddaad wax heesana nagu soo halgaad oon kaa qabano. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haashim Posted September 22, 2003 Nuune sxb inkastoo kuwo kale illowsanahay bal intaan ka warran? Minaan walax kale helana waa soo gudbaa ILAAHOOW SADDEX LAMA HURAYEE SADDEX HA NAGA GELIN 1. Talo xumo lama hurayee odayga ha naga gelin 2. Cir weyni lama hurayee habarta ha naga gelin 3. Foolxumo lama hurayee gabadha ha naga gelin SADDEX BAA NAAGTA WANAAGSAN LAGU GARTAA 1. Markaad fiiriso inay ku farax geliso 2. Markaad amartana inay ku adeecdo 3. Markaad maqan tahayna inay xoolahaaga iyo nafteedaba kuu xafiddo SADDEX MIDDOOD HADDAY TAHAY NAAGTU KAA DHIMATAY 1. Caloosheed la ciyaar 2. Ma cillaamato 3. Iyo casar seexato SADDEX NAAGTA UGA SARREE 1. Da'da 2. Dhererka 3. Xoolaha SADDEXNA IYADU HA KAAGA SARREYSO 1. Quruxda 2. Edebta 3. Qaraabo xiriiriska Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted September 23, 2003 lol muraad,i really like your saddexleey maah maah,laakiin maxaad kuwa naagaha bas usoo xulatay,lol caloosheed la ciyaar,taas waa iga dhimatay ani,baaquli qandha ah ha qur qurisee,aamiin Quote Share this post Link to post Share on other sites