Sign in to follow this  
Deeq A.

Mustafe Jaamac Kediye oo lagu dhaawacay Laamiga u dhexeeya Garoowe iyo Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
kediye.jpg?resize=480%2C427&ssl=1

Mustafe Jaamac Kediye oo uu dhalay Abwaanka Soomaaliyeed ee jaamac kediye Cilmi ayaa maanta lagu dhaawacay Laamigau dhexeeya Garoowe iyo Laascaanood.

Mustafe oo watay Gaari NOOHA oo qaad siday ayaa dabley hubaysan ku dhaawacday dooxada lagu magacaabo ‘Wow’ una dhexaysa Garoowe iyo degaanka Buura-wadal ee Gobolka Sool.

Dhaawaca Mustafe ayaa hadda lagu dabiibayaa isbitaal ku yaalla Garoowe waxaan dhaqaatiirtu noo sheegtay in qalliin lagaga samaynayo dhinaca madaxa oo xabbad kaga dhacday.

Dhaqaatiirta ayaa beeniyay warar aad loo faafiyay oo ku saabsan in uu geeriyooday Mustafe.

PUNTLAND POST

The post Mustafe Jaamac Kediye oo lagu dhaawacay Laamiga u dhexeeya Garoowe iyo Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this