Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada Somaliland oo qabtay doorashada shan kursi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka bilaabatay doorashada kuraas ka mida xubnaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan xubnaha deegaan doorashadooda ay tahay gobollada waqooyi.

Doorashada ayaa waxaa illaa hadda la qabtay saddex kursi, waxaana kusoo baxay xubnaha kala ah:- Khadra Maxamed Tukaale oo heshay 100 cod, kadib markii ay u tanaasushay Filsan Jaamac Cismaan oo la tartami laheyd, waxaana ay Khadra ku guuleysatay HOP#247.

Kursiga labaad ee HOP#245 oo doorashadiisa la qabtay ayaa waxaa ku guuleystay Cabdiraxmaan Axmed Suge oo isna helay 100 cod, ka gadaal markii uu isna u tanaasulay musharrax Aadan Geedi Cabsiye oo la tartami lahaa.

Sidoo kale kursiga saddexaad ee HOP#215 waxaa ku soo baxay Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo ahaa Senatar 4 sano ee hore, wuxuuna helay 94 cod. Isna axaana u tanaasulay Musharrax Axmed Yuusuf Bakaal.

Dr. Cilmi Maxamed Nuur ayaa dhankiisa ku guuleystay kursiga HOP214 isaga oo aan gelin wax tartan ah, waxaana tartanka ka hartay Tusmo Jaamac Liibaan oo tanaasuhay.

Hop209 waxaa isna ku guuleystay Maxamed Xuseen Haadi, sida uu shaaciyey guddiga doorashada SEIT ee Somaliland.

Dhammaan xubnaha soo baxay ayaana gelin wax tartan ah, iyada oo kuraasta loo xiray, taas oo natiijada ka dhigtay mid lasii ogaa, isla-markaana loo saadaalinayey xubnahan.

Qabashada doorashadan ayaa kusoo aadeyso, ayda oo haatan dood xoogan ay ka taagan tahay kuraasta gobollada waqooyi, kadib markii guddoomiye Cabdi Xaashi iyo siyaasiyiinta kale ee taabacsan ay kasoo horjeesteen hannaanka loo maamulayo doorashadda socota.

Si kastaba, arrimahan ayaa uga sii daraya walaaca haatan laga muujinayo doorashada Soomaaliya oo dib uga dhacday waqtigii loo qorsheeyey muddo hal sano ah.

269519397_265602065615198_81506615103996 272282826_265614562280615_34823165814278 272344075_265603075615097_10396206256858269608375_265642178944520_42500393632742 272755214_265629565612448_66077691620297

The post Guddiga doorashada Somaliland oo qabtay doorashada shan kursi appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this