Deeq A. Posted January 24, 2022 Musharaxa madaxwyne ee xisbiga Waddani mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)- ayaa lagu wadaa in u maalinta bari ah ku soo laabto caasimada Somaliland ee Hargeysa kadib markii uu socdaal shaqo u tagay dalka Itoobiya oo uu ku sugnaa dhowrkii maalmood ee ina soo dhaafay. Wararka ay helayso shebakada Qarannews, ayaa sheegaaya in uu Mr Cirro socdaalkiisa soo gaabiyay kadib markii ay dalka yimaadeen qaar ka mid ah bulshada caalmka ee Somaliland ka taageera arimaha doorashooyinka isla markaasina ay qaar kale oo badani dalka ku soo waajahanyihiin ayaamaha soo socda, kuwaasi oo kulamo joogto ah la yeelan doona xukumadda iyo xisbiyada qaranka Somaliland. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites