Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii Hore Ee Gobalka Hiiraan Oo Muqdisho Lagu Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxo hubeysan ayaa caawa fiidkii gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ku dilay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Ibraahim Mocow, dilka ayaa si gaar ah uga dhacay degmada Wadajir.

Dilka loo geystay marxuumka ayaa yimid kadib markii sida la sheegay uu kasoo baxay masaajid uu ku tukaday salaadda cishaha, halkaasna ay ku toogteen dableyda hubeysneed marxuum Macoow.

Kooxihii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana kadib halkaas soo gaaray ciidamo ka tirsan Booliiska dowladda, kuwaas oo goobta ka qaaday meydka gudoomiyaha, waxaana ay goobta ka sameeyeen baaritaanno.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this