Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubnihii Golaha Degaanka Qardho oo shuruudo lagu kala reebayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Gobolka Karkaar, Cabdi Siciid Cismaan ayaa soo saaray shuruudo lagu kala reebayo xubnaha Golaha Degaanka, ee ku soo baxay Doorashadii qof iyo cod, ee ka dhacday degmada Qardho.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha, ayaa lagu sheegay in Golaha Degaanka Qardho aysan ka mid noqon doonin ciddii aan buuxin Shuruudahaas, islamarkaana aysan ka qayb geli doonin Doorashada Duqa degmada.

Shuruudaha waxa kamid ah; in qofku sumad wanaagsan leeyahay iyo in uu la yimaado warqadda denbi la’aanta ee Waaxda C.I.D-da, uuna bixiyo $300 Dollar oo diiwaan-gelin ah.

Qofka u sharraxan Duqa degmada Qardho ayaa isna laga rabaa $1000 Dollar oo diiwaan-gelina, halka ku xigeenka Duqa laga rabo $500 Dollar oo diiwaan-gelin ah.

Halkaan ka akhriso Shuruudaha

One.jpg?resize=492%2C1040&ssl=1 two.jpg?resize=492%2C1040&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Xubnihii Golaha Degaanka Qardho oo shuruudo lagu kala reebayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this