Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Doorashada Somaliland Oo Shaaciyay Habraaca Doorashada Saddex Kuraas

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga doorashooyinka gobolada Woqooyi ee Somaliland ee SEIT ayaa shaaciyey in dhowaan  ay qabanayaan doorashada  3 kursi oo kamid noqonaya Baarlamaanka 11-aad ee Federalka Soomaaliya.

Doorashada kuraastaan  oo ka dhacaysa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, ayaa waxaa la dooran doono 24 bishaan oo ku beegan maalinta Isniinta ah ee soo aadan.

Kuraastaan la dooranaya ayaa kala ah kuraasta tirsigoodu tahay HOP#037, HOP#238 iyo HOP#244.

Shaacinta kuraastaan ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa iyadoo qaar kamid ah siyaasiyiinta reer Waqooyiga garab kamid ah ay sheegeen in ay isaga hareen Doorashooyinka, kuwaas ay hoggaaminayeen guddoomiye Abdi Xaashi iyo Boqr Cismaan Buurmadow.

somaliland.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this