Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada heer Galmudug oo shaaciyay doorashada 7 kursi

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga doorashada Maamulka Galmudug ayaa xalay shaaca ka qaaday Jadwalka doorashada kuraas hor leh oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in diiwaan-gelinta Guddiga xulista ergada ay bilaaban doonto 22-ka bisha oo ku beegan maalinta berri oo sabti ah, halka Liiska magacyada Odayaasha iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya Ergada la shaacin doono 24-ka bisha.

Diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya 7 kursi oo kamid ah 21 kursi oo hore Galmudug u soo saartay ayaa bilaaban doonta 25-ka bishaan Janaayo, waxaana doorashada ay kala dhaceysaa 26-ka iyo 27-ka, iyada oo ka dhici doonto Magaalada Dhuusamareeb.

Galmudug-1.jpg?resize=761%2C1080&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddiga doorashada heer Galmudug oo shaaciyay doorashada 7 kursi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this