Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga WADDANI Oo Soo Bandhigay Saddex Qodob Oo Fure U Noqon Kara Aqoonsi Raadinta Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xoghayaha cadaalada ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Yoonis Axmed Yoonis ayaa soo bandhigay saddex qodob oo fure u noqon kara aqoonsi raadinta Somaliland.

Xoghaye oonis Axmed Yoonis ayaa qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay Facebook-ga waxa uu ku yidhi sida tan:

“Saddexdan Qodob Wax Ay Fure U Noqon Karaan Aqoonsi Raadinta Somaliland,

waana kuwo u baahan in guddaha dalka laga hagaajiyo.

1-Sinaan iyo Caddaalad:

shacabka Somaliland oo hela caddaalad iyo sinaan guddahooda ah, waa mid caawin karta dedaalka Somaliland ugu jirto aqoonsi raadinta. Laakiin inta lagu tumayo xuquuqda muwaadiniinta ee Distuurku damaanad qaaday, inta  la ugaadhsanayo Siyaasiyiint Mucaaradka, lagu xadgudbayo  xoriyadda Suxufiyiinta, dhammaam arrimahaas waa kuwo caqabad ku noqon doona aqoonsi raadinta.

2- Wada lahaanshaha Somaliland: Jamhuuriyadda Somaliland oo noqota dal la wada leeyahay oo dadka dega si caddaalada ah loogu qaybiyo xilalka ummada oo aanay cid gaar ahi isku koobin, waa mid caawinaysa in ay Somaliland ka hesho aqoonsi caalami ah.

3-Qorshe Arrimo Dibeddeed:

qorshe arrimo dibeddeed oo la diyaariyo waa mid lafdhabar u ah dedaalka aqoonsi raadinta, laakiin haddii qorshe la’aan la socdo, waxay keeni kartaa fashil, qorshahana waa inuu noqdo mid doorkooda ay ka qaataan Goleyaasha qaranka iyo Xisbiyaduba.

Somaliland guul Iyo Gobanimo

Xoghayaha cadaalada ee xisbiga WADDANI Yoonis Axmed Yoonis

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this